Qisadii Murugada Lahayd Ee Xafladdii Dhalashada Michael

Marka ay kooxdu ku guuleysato horyaalka, waxa laga fishaa inay isku duubnaato oo ay farxadda qaybsato, laakiin taasi kamay muuqanin naadigii tababare Jose Mourinho ee waqtigiisii Real Madrid, waxaana jiray qisooyin qaarkood murugo lahaayeen oo ciyaartoyda naf ahaantooda kala qaybiyey.

- Advertisement -

Sannadkii 2012, Michael Essien oo uu Jose Mourinho ka keensaday Chelsea, isla markaana u haystay macallinka reer Portugal sida Aabbihii oo kale, ayaa waxa uu qaab amaah ah ugu wareegay kooxdaas, laakiin waxa uu istaagay cidlo markii ay ciyaartoyda kooxda Real Madrid kasoo xaadiri waayeen xafladdiisii dhalashada 30 jirkiisa.

Michael Essien ayaa ciyaartoyda Real Madrid ku casuumay inay kasoo qayb-galaan xaflad ku qabsaday magaalada Madrid oo uu ugu dabbaal-degayay sannad-guurada dhalashadiisa 30aad, laakiin goobta ayaa cidlo ahayd oo ay ka baaqsadeen laacibiintii Real Madrid.

Laba ciyaartoy oo kaliya oo midkood ay Chelsea kasoo wada ciyaareen ayaa u yimid, waxaanay ahaayeen saaxiibkiisii Blues ee Ricardo Carvalho iyo Luka Modric, waxaana saddexdoodan laga qaaday hal sawir oo uu halyeyga reer Ghana ku xasuusto calool xumada uu u hayo ciyaartoyda Real Madrid.

Tababare Jose Mourinho oo ciyaartoyda kooxda uu khilaaf weyni u dhexeeyey, laacibiinta u dhowna ay kuwa kale ka dheeraan jireen, ayaa Essien u sheegay in arrintani aanay ahayn cadaawad isaga loo qabo laakiin ay tahay arrin siyaasadeed.

Sida uu Rob Beasley ku qoray buugga ‘Jose Mourinho: Up to Close and Personal’, Mourinho waxa uu Real Madrid u yaqaanay sidii koox siyaasadeed oo kooxo dagaallamaya kulmisay, waxaanu yidhi: “Mourinho wuxuu ii sheegay in Madrid ay tahay koox siyaasadeed oo ay joogaan dhinacyo dagaallamaya, waxaanu iiga sheekeeyey qisada martiqaadkii Eissien u fidiyey ciyaartoyda kooxda xuska dhalashadiisii 30aad, laakiin looga dhacay.

“Isaga ayay noqotay inuu u tacsiyeeyo Essien, isaga oo u sheegay in aanay ciyaartoyda kooxdu shaqsiyan u necbayn isaga laakiin kaliya ay ka walaacsan yihiin nafahooda iyo sidii ay wax fiican u samayn lahaayeen.”

Dhamaadka xili ciyaareedkii 2012/13 waxay Real Madrid ku dhamaysatay koob la’aan, waxaanay horyaalka ka gashay kaalinta labaad, halka Champions League ay warreegga semi-finalka soo gaadhay, sidoo kalena Atletico Madrid ayaa ku garaacday finalkii Copa del Rey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More