Phil Foden Oo Ugu Danbeyn Shaaciyay Wixii Ay Kawada Hadleen Oo Ay

Phil Foden ayaa ugu danbeyn shaaca ka qaaday wixii dhexmaray isaga iyo Erling Haaland ka dib markii ay soo dhamaatay kulankii Manchester Metropolis iyo Borussia Dortmund.

Labadaan xiddig ayaa isaga horyimid kulankii wareega sideed dhamaadka Champions League ee bishii March iyagoo wada sheekeystay dhamaadkii ciyaarta.

Labada ciyaaryahan ayaa afka dabooshay markii ay wada hadlayeen taasoo keentay in xan badan laga qoro wixii ay kuwada hadleen.

Si kastaba, Foden oo wareysi siiyay Soccer Dially ayaa ka jawaabay su’aal uu soo weydiiyay taageere oo ku saabsaneyd wixii ay ka wada hadleen isaga iyo Halland, wuxuu ku jawaabay:

“Ma la ii ogol yahay inaan sheegay?” ayuu yiri isagoo qoslaya.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Waxaan kawada hadalnay kaliya fursadihii uu qasaariyay kulankaas, sidaasi darteed wuxuu ahaa wada sheekeysi ku saabsanaa ciyaarta iyo natiijada.

“Ma jirin wax aan si gaar ah uga wadahadalnay, dad badan ayaa u maleynayay inaan waxyaabo kale ka hadalnay. Kaliya waxaan ka hadalnay ciyaarta.”

Taageerayaasha Manchester Metropolis ayaa rajeynayay in wadasheekeysigooda uu ku saabsanaa suuqa kala iibsiga iyo inuu Foden ka dhaadhicinayay Haaland inuu ka soo dego Etihad Stadium, laakiin saadaashooda waa ay ku hungoobeen.

Haaland ayaa la arkaa mid ka mid ah xiddigaha ugu tayada fiican dunida isagoo durbaba ah mashiin gool xilli ay da’diisa tahay kaliya 20 sanno jir.

Wuxuu xilli ciyaareedkan dhaliyay 39 gool 40 kulan uu kooxdiisa u saftay xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale, Foden ayaa boos joogta ah ka heysta kooxda Pep Guardiola ee Manchester Metropolis bilihii ugu danbeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More