Carlo Ancelotti Oo Ku Eedeeyey Virgil van Dijk Inuu Dhaawac

Tababaraha ruug-caddaaga ah ee Carlo Ancelotti ayaa eedaymo u jeediyey laacibkii ka dhaawacmay Liverpool ee Virgil van Dijk oo uu xusay inuu waxyeello usii geystay James Rodriguez ka hor intii aan isaga laga saarin garoonka ciyaartii Sabtidii ee Merseyside dereby.

James Rodriguez ayaa seegi doona kulanka Everton ay Axadda soo socota la ciyaari doonto Southampton kaddib taakal uu ku qabtay Van Dijk bilowga ciyaartii Liverpool iyo Everton ee barbarraha 2-2 kusoo dhamaaday.

Carlo Ancelotti ayaa ku dooday in xiddiga Liverpool uu taakal waqtigiisa kasoo habsaamay uu Van Dijk ku qabtay James, taasina keentay inuu soo gaadho dhaawac sababaya inuu ka maqnaado ciyaarta Southampton.

Difaaca reer Netherlands ayaa garoonka ka baxay bilowgiiba markii uu goolhaye Jordan Pickford ku qabtay taako xun oo uu si laba lugoodis ah ula soo booday, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa inta ka hadhay xili ciyaareedkan bilowga ah.

Pickford ayaa ka badbaaday in lagu ciqaabo qaladka uu ku galay Van Dijk, laakiin waqti dambe ayaa Everton casaan lagaga saaray Richarlison oo qalad xun isaguna ku galay Thiago Alcantara oo uu dhaawac soo gaadhay, isla markaana seegay kulankii Champions League ee Ajax 1-0 kaga badiyeen.

Ciyaarta ayaa waxa kale oo ka dhacay go’aan layaab lahaa oo Liverpool lagaga diiday gool sax ahaa oo uu u dhaliyey Jordan Henderson oo kubbad ka helay Sadio Mane, kaas oo VAR ay meesha ka saartay, inyar kaddibna ay qiratay qaladkeeda oo ay raalli-gelin ka bixisay.

Tababare Carlo Ancelotti oo ka hadlayay waxyaabihii ka dhacay kulankaas, ayaa waxa uu sheegay in nasiib-darro ay kooxdiisa ku tahay in James uu ka dhaawacmay oo uu waliba Van Dijk u geystay, waxaanu yidhi: “Nasiib-darro, James ayaa dhibaato soo gaadhay intii ay socotay ciyaartu. Waxa taakal waqti qaldan ku qabtay Virgil van Dijk bilowgii ciyaarta, waxaanu seegi doonaa kulanka Southampton.”

Ancelotti waxa uu qirtay in goolhaye Pickford uu dhaawac culus u geystay Van Dijk, laakiin waxa uu ku dooday in kaliya uu raalligelin ka bixinayo, waxaanu yidhi: “Si ay wax u caddaadaan, aad ayaanu uga xunnahay dhaawaca Virgil van Dijk. Qof walba oo naga mid ahi wuxuu u rajaynayaa soo kabasho degdeg ah iyo ladnaan.

“Ma jiro xidhiidh dhex martay Jordan Pickford: Waxay ahayd xidhiidh (taakal) qaldan, laakiin xaqiiqadu waxay tahay in Premier League uu yahay degdeg, mana aha wax sidaa u adag in waxyaabo yaryar ay yimaaddaan waqti dambe.

“Jordan xoogaa wuu soo yara habsaamay laakiin dareenkiisu wuxuu ahaa inuu gaadho kubadda. Ma ahayn ujeeddadiisu inuu dhaawaco Virgil van Dijk. “

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More