Arsenal Oo Guul Ay Ku Dhibaatootay Ku Furatay Europa League,

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul ku bilaabatay tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan, waxaanay 2-1 ku garaacday kooxda Rapid Vienna oo ay marti u ahayd.

Arsenal ayaa lagala hor maray gool uu Rapid Vienna u dhaliyey Taxiarchis Fountas daqiiqaddii 51aad ee bilowga qaybta dambe, waxaa se ciyaarta oo ay 20 daqiiqadood ka hadhsan tahay dhamaadkeeda jabiyey derbigii ay dhisatay kooxda garoonkeeda joogtay David Luiz oo dhaliyey goolka hore ee Arsenal, waxaana afar daqiiqadood oo kaliya kaddib mid labaad ku daray Pierre-Emerick Aubameyang.

Ciyaartan ayaa waxa hadal haynteeda ugu badan haystay Mesut Ozil oo gurigiisa ka daawanayay, isla markaana sawir kartoon uu soo dhigay bartiisa Twitterka ay in badan jamaahiirtu isla wadaageen.

Shaxda labada kooxood

ARSENAL (4-4-2): Bernd Leno; Cedric, David Luiz, Gabriel, Sead Kolasinac; Nicolas Pepe, Thomas Partey, Mohamed Elneny, Bukayo Saka; Alexandre Lacazette (capt), Eddie Nketiah.

Kaydka: Runar Alex Runarsson, Hector Bellerin, Kieran Tierney, Pierre-Emerick Aubameyang, Ainsley Maitland-Niles, Shkodran Mustafi, Reiss Nelson, Joe Willock, Granit Xhaka, Matt Macey.

RAPID VIENNA (3-4-3): Richard Strebinger; Filip Stojkovic, Maximilian Hofmann, Mateo Barac; Kelvin Arase, Dejan Ljubicic (capt), Srdan Grahovac, Maximilian Ullmann; Ercan Kara, Marcel Ritzmaier, Taxiarchis Fountas.

Kaydka: Bernhard Unger, Mario Sonnleitner, Thorsten Schick, Dejan Petrovic, Deni Alar, Christoph Knasmullner, Leo Greiml, Koya Kitagawa, Lukas Sulzbacher, Melih Ibrahimoglu, Dragoljub Savic, Paul Gartler.

Mikel Arteta ayaa lix isbeddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Manchester City ee guul-darradu kasoo gaadhay, waxaanu kusoo bilaabay Thomas Partey ciyaartiisii ugu horreysay ee uu kooxdiisa cusub uga soo muuqdo safka hore, halka weerarkana ay Alexandre Lacazette iyo Eddie Nketiah yimaaddeen. Difaaca ayuu Mikel Arteta iskugu keenay Cedric iyo Saed Kolasinac oo labada baalood ee bidix iyo midig kala joogay.

Daqiiqaddii sagaalaad ee ciyaarta ayay Arsenal heshay fursaddeedii ugu weynayd, uguna horreysay ee ciyaarta, waxaana dhinaca bidix kasoo wada ciyaaray Partey iyo Nketiah, iyadoo da’yarka Nketiah uu kubadda usoo dhiibay Saka oo isaguna xerada ganaaxa keenay, laakiin waxa halkaa joogay Strebinger oo ka badbaadiyey.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Rapid Vienna dardar badan iyo firfircooni muujisay, waxaanay garsooraha ku qasbeen inuu kaadhka digniinta ah siiyo Thomas Partey, Alexandre Lacazette iyo Nketiah.

Daqiiqaddii 51aad ee ciyaarta ayay Rapid Vienna kaga naxsatay Arsenal gool uu u dhaliyey laacibka garabka weerarka ee Taxiarchis Fountas.

Mikel Arteta ayaa kaga jawaabay laba beddel oo uu sameeyey, waxaanu keenay Aubemayang iyo Bellerin oo qaybtii hore kaydka fadhiyey.

GOOOOAAAAALLLLL!! Rapid Vienna 1-1 Arsenal – David Luiz ayaa goolka barbarraha u dhaliyey Arsenal kaddib markii uu madax ku qabtay kubbad laag xor ahayd oo uu meel fog kasoo laagay Pepe daqiiqaddii 70aad.

Afar daqiiqadood kaddib goolka ayay mar kale Arsenal hoggaanka ciyaarta sii dheeraysatay, waxaana gool uu si fiican uga soo shaqeeyey Hector Bellerin shabaqa ku hubsaday Aubameyang, halkaas oo ay Gunners dabbaal-deg ka bilowday.

Okay then, let’s go Gunners!!! ?❤️?? #UEL #COYG #YaGunnersYa #M1Ö @Arsenal pic.twitter.com/aNIDFewHyy

— Mesut Özil (@MesutOzil1088) October 22, 2020

Arsenal iyo Rapid Vienna ayaa labaduba sameeyey fursado intii dambe laakiin waxay u muuqdeen in ay ku filan yihiin natiijada, waxaanay ku kala baxeen 2-1 ay guushu ku raacday Arsenal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More