Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Magaca Kooxda Weyn Ee Uu Wadahadalada QARSOON La Yeeshay

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa la sheegayaa inuu wadahadalo sir ah oo qarsoon la yeeshay kooxda dalkiisa France ee Paris Saint-Germain oo doonaysa inay bedel uga dhigto Thomas Tuchel oo hadda ka taliya kooxdeeda.Shaqada tababare Tuchel ee gegida Parc des Princes ayaa ah mid halis weyn ku jirta kaddib markii ay qaab gaabis ah kooxdu xilli ciyaareedkan ku bilaabatay.Sidoo kale shaqada Zidane qudheeda ayaan ahayan mid lugo adag ku taagan marka dhinac laga eego walow uu Sabtidii guul weyn oo El-Clasico ah…

Natiijada Kasoo Baxday Wada-hadalladii Kylian Mbappe Iyo PSG

Kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Real Madrid ayaa u xadhko xidhanaya inay ku dagaallamaan weeraryahanka da’da yar ee reer France ee Kylian Mbappe, kaddib markii ay fashil kusoo dhamaadeen wada-hadallo usocday kooxdiisa oo PSG ay ku doonaysay inuu heshiiska ugu kordhiyo.PSG ayaa muhiimadda kooxdaad ka dhigatay sidii ay qandaraaska ugu kordhin lahayd Mbappe oo si xor ah uga tegi doona xagaaga 2022 haddii aanay inta ka horreysa ku heshiin inuu waqtiga u kordhiyo, haddii kalena ay ku qasban yihiin inay iibiyaan marka uu…

Sergio Aguero Oo Seegi Doona Kulanka Manchester City Iyo

Weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero ayaa shaki weyni ku jiraa inuu awoodi doono inuu ciyaaro kulanka kooxdiisu ay kula ballansan tahay Liverpool kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii West Ham ee Sabtidii.Xiddiga reer Argentina oo dhowaan kasoo laabtay dhaawac uu garoomada kaga maqnaa tan iyo bishii June ee sannadkan kaddib markii uu jilibka wax ka noqday ayaa uu haddana dhaawac ka gaadhay muruqa intii ay socotay ciyaartii London Stadium ee ay barbarraha 1-1 wada galeen West Ham.Kulanka Man City ay caawa martida…

Liverpool vs FC Midtjylland & Marseille vs Man City –

Liverpool ayaa gaoronkeeda Anfield ku qaabilaysa FC Midtjylland waxaana Klopp iyo xiddigihiisu ay raadin doonaan in guushii labaad ay kasoo hooyaan tartankan, si ay kaalinta koowaad ugaga soo bixi karto Group D.Reds waxay ciyaartii hore 1-0 dirqi ah kaga soo badisay Ajax, halka Midtjylland si xun loogu soo karbaashay kulankii hore oo ay 4-0 kusoo jiidhay Atalanta BC.Liverpool ayaa taariikh cusub doonaysa inay ka dhigto tartanka Champions League marka ay caawa qaabbisho Midtjylland, waxaanay raadin doontaa in markii  u…

Borussia Monchengladbach vs Real Madrid – Zidane Oo Guushii

Real Madrid ayaa raadin doonta inay guushii ugu horreysay ee Champions League ee xili ciyaareedkan 2020-21 diiwaan-gashato marka ay caawa tagto waddanka Jarmalka oo ay marti ugu noqonayso Borussia Monchengladbach.Los Blancos ayaa guul-darro lama filaan ah loogu xambaariyey garoonkeeda kulankii koowaad ee Champions League, waxaana ka naxsatay Shakhtar Donetsk oo u dhiibtay 3-2, halka Gladbach ay iyaduna barbarro 2-2 ah lasoo gashay Inter Milan.Group B oo ay ku urursan yihiin Real Madrid, Shakhtar Donetsk, Inter Milan iyo…

Lautaro Martínez Oo Mar Kale Shaki Giliyay Mustaqbalkiisa

Weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martínez ayaa ka meer meeraya in uu go`aamiyo mustaqbalkiisa kooxdaas xilli dhowr koox ay baadi goobayaan saxiixiisa .Wiilkaan reer Argentina ayaa si weyn xagaagii hore loola xariiriyay in uu aadayo kooxda Barcelona waliba talaabo rasmi ah ayay u qaaday .Barcelona ayaa ku fashilantay in is fahmaan Inter maadaama Lautaro Martínez ay la meel dhigeen in uu u soo wareego.Shabakadda Football Italy ayaa weydiisay su`aal la xariirta mustaqbalkiisa , waxa uuna Lautaro Martínez ka yiri” waxaan…

Toni Kross Oo Shaaciyay Xog Ku Saabsan Mustaqbalkiisa Real

Toni Kross ayaa go`aamiyay mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid ka dib markii uu ka soo muuqday shirka jaraa`id ee ka horeeya kulanka ay habeen dambe la ciyaarayaan MönchengladbachKulankaas ayaa ka tirsan wareegga labaad ee Group-yada Champion-ka waxa uuna ka dhacayaa garoonka kooxda reer Jarmal“Waxaan mar waliba jeclahay in aan ku laabto Jarmalka balse run ahaantii halkaan ayaan ku raaxeystaa ” ayuu yiri Kross“Dalabyo kala duwan ayaan helay balse waligeey kooxahaas lama aan hadlin waayo waxaan doonayaa in aan ciyaaraha uga…

Pogba Oo Si Cad Uga Hadlay Waxa Ka Jira In Uu Ka Fariistay

Qadka dhexe kooxda Man United ee Pogba ayaa jawaab ka bixiyay warbxino waqti sii horeeyay oo isniintii soo baxay oo sheegayay in uu ka fariistay ciyaraaha heerka caalami ee qarankiisa France .Wargeyska The Sun ayaa soo daabacaday in Pogba uu go`aansaday in mar dambe qaranka France uusan u ciyaarin waliba uu ka carooday hadaladii madaxweyanaha France ee ka dhanka ahaa Islaamka .Pogba ayaa bartiisa instagram-ka soo dhigay qoraal ah ” Mar kale The Sun been weyn ayay soo daabacday , wax ka jira malaha waxa ay qortay , ma jirto…

Miyuu Aguero Seegayaa Kulanka Champion-ka Ee Marseille Iyo

Tababaraha kooxda Man City ee Pep ayaa shaaca ka qaaday liiska ciyaartooydiisa ee kulanka Marseille ee Champion-kaMan City ayaa kulankoodii ugu horeeyay Champion-ka waxa ay guul ka gaareen FC Porto xilligaas oo ay ku garaaceen 3/1Liiska City ee kulakaas waxaa ka maqnaaday Sergio Ramos oo la xaqiijiyay in uu dhaawacan yahay kaasi oo lagu haleelay kulankii ugu dambeeyay ee West Ham ee horyaalka xilligaas oo ay bar bar dhac galeenIlo wareedyo ayaa horay u tilmaamayay in laacibkaas uu ka maqnaanayo garoomada dhowr kulan oo soo…

Shaqada Mikel Arteta Ee Arsenal Oo Lala Bar-Bardhigay Midii

Tababaraha wakhtigan ee kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa lala bar-bardhigayaa midkii shaqada uga horreeyay ee Unai Emery iyadoo ay kasoo baxayso xog lama filaan ah oo muujinaysa sida uusan Arteta wax muuqda uga bedelin kooxdaasi.Iyadoo ay Arsenal ku faraxsan tahay haatan inay dib u fadhiisato oo ay wakhti siiso khadkeedii dhexe ee hore haddana calaamadaha horumarka ayaan ahayn kuwo wax fiican muujinaya.Isbar-bardhig hadda lagu sameeyay min 38-kii kulan ee ugu horreeyay ee ay Arteta iyo Emery ciyaareen ayuu tababaraha…