Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Thiago Silva, Kepa Iyo Xiddigaha Waaweyn Ee Ka Maqan Liiska

Frank Lampard ayaa shaaciyey magacyada 22ka ciyaartoy ee kulanka habeen dambe ee Champions League ay ku ballansan yihiin kooxda yar ee Krasnodar oo ay ku wada jiraan Group E, waxaana aan lagu soo darin difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo ku sugan magaalada London.Thiago Silva ayaa caafimaad qaba oo aan wax dhibaato ah qabin, laakiin tababare Lampard ayaa go’aansaday inuu siiyo waqti nasasho, si aanay culays ugu noqonin kulamada badan ee cidhiidhiga ah xilli ay da’diisu weyn tahay oo uu u baahan yahay in taxadar badan loo…

Michael Owen Oo Saadaaliyey Kulamada Champions League Ee

Manchester United ayaa rajaynaysa inay sii wadi doonto guusha Champions League oo ay mar kale libin kasoo hoyn doonto kulanka RB Leipzig ee Arbacada habeen dambe, taas oo ay uga sii horreysay PSG oo ay ciiyaartii koowaad marti ugu noqotay magaalada Paris ayna kusoo dhufatay 2-1.Weeraryahankii hore ee Manchester United ee Berbatov, ahna safiirka kooxda ee waqtigan iyo xiddigii Liverpool, Real Madrid iyo Manchester United ee Mikel Owen ayaa ciyaarta Red Devils ay habeen dambe kusoo dhoweynayso RB Leipzig waxay ku saadaaliyeen…

Ronald Koeman Oo Shaaciyey Xiddigaha Barcelona Ee Kulanka

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Champions League ee Arbacada ay martida ugu noqonayaan Juventus, waxaana ka maqan Gerard Pique oo ganaax ah iyo Courtinho oo dhaawac ah.Barcelona ayaa u safartay magaalada Turin oo ay Arbacada isku haleeli doonaan Juventus garoonka Allianz Stadium oo aanay waligood guul kasoo gaadhin kooxda reer Spain. Laga soo bilaabo xili ciyaareedkii 1970/71kii oo ay ku wada ciyaareen Koobkii loo yaqaanay Fairs Cup illaa…

Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulamada Lokomotiv vs. Bayern Iyo

Inter Milan ayaa guushii ugu horreysay ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan ka raadinaysa waddanka Ukraine oo ay marti ugu tahay Shakhtar Donetski oo usbuucii hore 3-2 kusoo garaacday Real Madrid, waxaana uu tababare Antonio Conte oo barbarro 2-2 ah kula soo galay magaalada Milan kooxda Borussia Mochengladbach uu u halgami doonaa inuu guul kusoo helo safarkiisa.Antonio Conte ayaa kusoo bilaabay shax ay hoggaaminayaan weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martinez iyo dhaliyaha reer Belgium ee Romelu Lukaku,…

11kii Xiddig Ee Todobaadkan Ugu Fiicnaa Premier League Oo La

Halyeeyga Premier League Alan Shearer ayaa soo xushay 11kii xiddig ee todobaadkan ugu fiicnaa horyaalka Premier League iyadoo ay shaxda u badan yihiin ciyaartoyda kooxaha hoose ee horyaalka.Chelsea ayaa labo xiddig ku leh shaxda isbuuca ee uu soo xushay Alan Shearer ka dib barbarihii goolal la’aanta ee ay la galeen kooxda Manchester United.Goolhaye Mendy oo wacdarro dhigay kulankaas islamarkaana fursado fantastik ahaa ka beeniyay Man United ayaa noqday goolhayihii ugu fiicnaa todobaadkan.Halka daafaca garab ee Chelsea Ben…

Mohamed Salah Oo Looga Digay Inuusan Sabab U Noqonin In

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Liverpool Mohamed Salah ayaa looga digay inuusan sabab u noqonin in Sadio Mane uu isaga tago Liverpool ka dib markii uu anaani noqday kulankii ay ka badiyeen Sheffield United isbuucaan.Reds ayaa 2-1 ku garaacday kooxda Sheffield United laakiin waxay ku badin kareen 3-1 haddii Salah uu kubada u baasi lahaa Mane oo ay hubaal aheyd inuu goolka dhalin lahaa.Laakiin Khabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa ugu baaqay Mohamed Salah inuu xusuusnaado sida ay Liverpool guulaha ku gaartay xilli…

Kabtan Sergio Ramos Oo Qolka Labiska Real Madrid Ku

Cabashada Isco ee kulankii El Clasico ayaa banaanka u soo baxday shalay oo Isniin aheyd. Wuxuu fadhiyay kursiga keydka isagoo cabasho ka muujiyay sida uu Zidane u ciyaarsiiyo kaliya 50 ama 60 daqiiqo ama inuu soo geliyo ciyaarta ka dib daqiiqada 80aad.Wuxuu u cabanayay Luka Jovic, Lucas Vazquez iyo Marcelo iyadoo daafaca bidix ee reer Brazil uu qosol la dhacay.Isco ayaa ciyaaray 147 daqiiqo ilaa iyo haatan xilli ciyaaredkan isagoo ku soo bilowday labo kulan oo ay la ciyaareen Valladolid iyo Cadiz waxaana labada kulanba la…

Mario Balotelli Oo Soo Xushay Shaxdiisa Xiddigihii Ugu

Mario Balotelli ayaa go’aansaday inuu shaxdiisa xiddigihii abid ugu fiicnaa ka reebo Cristiano Ronaldo.30 jirkaan ayaa kaliya labo xiddih oo Premier League ah ku soo darsaday shaxdiisa halka halyeeyga reer Brazil Ronaldo uu u xushay inuu weerarka la hogaamiyo Lionel Messi.Balotelli ayaa la weydiiyay inuu magacaabo shaxda xiddigihii ugu fiicnaa abid isagoo ku jira akoonka Puma Football isaga iyo Thierry Henry.Weeraryahanka oo haatan bilaa koox ah ayaa xushay xiddigihii ay iska garab ciyaareen ee Premier League Yaya Toure iyo…

Gary Neville Oo U Sheegay Ole Gunnar Solskjaer Taatikada Uu

Bruno Fernandes iyo Paul Pogba waxay noqon karaan Kevin de Bruyne-ka iyo David Silva-ha Manchester United, sidaasi waxaa yiri Gary Neville.Xiddiga khadka dhexe ee 89ka milyan ginni ku fadhiya Pogba ayaa dhawaan loo dhaadhiciyay kursiga keydka iyadoo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu ku guuldareystay inuu labada xiddig ee Pogba iyo Fernandes iska garab ciyaarsiiyo.Halka xiddiga xagaagan 39ka milyan ginni ku soo wareegay Donny van de Beek uu sidoo kale ku guuldareystay inuu kulan Premier League ah ku soo bilowdo.Marka shaxda…

Madax-Xanuunka Dhaawacyada Ee Juventus Oo Sii Socda, Xiddig

Daafaca dhexe ee kooxda Juventus ee Leonardo Bonucci ayaa ah ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee qayb ka ah kooxdaas ee shaki la gelinayo fursada uu u haysto inuu ka qayb qaato kulanka adag ee ay habeen dambe la yeelan doonaan dhigooda Barcelona.Daafaca ree Talyaani ayaa ciyaartii ay kooxdiisu toddobaadkan bar-bardhaca 1-1 ah lasoo gashay ee Serie A ka tirsanayd ee ay Verona la yeesheen bedel ku baxay daqiiqadii 75-aad kaddib dhaawac bawdada ah oo gaadhay.Sida lagu sheegay bogga hore ee wargeyska Spain caanka ka ah ee Diario AS,…