Tottenham ayaa guul 3-0 ah ku bilaabatay tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan, waxaanay meel iska saartay naadiga yar ee LASK, taas oo uu Gareth Bale markii ugu horreysay ugu soo bilowday kooxdiisa cusub.Tababare Jose Mourinho ayaa nasiyey xiddigihiisa waaweyn sida Harry Kane oo aan ciyaartaba soo gelin iyo Son oo uu beddel ku keenay, waxaana uu fursad siiyey Gareth Bale oo goolka labaad ee kooxdiisu heshay oo ay LASK iska dhalisay isagu soo laaday kubadda.Tottenham ayaa daqiiqaddii 18aad hoggaanka u qabatay ciyaarta,…