Neymar waa inuu raali geliyaa Barcelona
Musharaxa madaxweynaha Barcelona Jordi Farre ayaa sheegay in Neymar uu ku laaban karo Camp Nou laakiin waa inuu marka hore raali galiyaa kooxda.
Xiddiga reer Brazil ayaa ka tagay Nou Camp seddex sano ka hor isagoo heshiis rikoor adduunka ah kula galay Paris Saint-Germain.
Xiriirka ka dhaxeeyay kooxdi hore ee Santos ayaa xumaaday kadib markii uu dalbaday in doolarku uusan helin lacag inta uu joogay.
Inkastoo Neymar uu dacweeyay Barcelona, hadana 28 jirkaan ayaan meesha ka saarin inuu ku laabanayo Catalonia.
Farre ayaa sheegay in Neymar uu soo laaban karo hadii uu raali galiyo kooxda.
Wuxuu u sheegay RAC1: “Neymar dib ayaa loo soo dhaweyn doonaa laakiin marka hore waa inuu dib uga laabto kiisa oo uu raali galiyo.
“Waxaan lahadalnay dadkiisa oo waxay yiraahdeen wuxuu doonayaa inuu ku laabto dalkiisa. Yaan dooneynin ciyaaryahanka seddexaad ee ugu fiican adduunka inuu u ciyaaro kooxdiisa
“Waxaa jira qaab uu ku codsan karo in lagu iibiyo 40 ilaa 45 milyan oo euro.”
Neymar qandaraaskiisa Paris Saint-Germain waxaa uga harsan 18 bilood waxaana la hadal hayaa inuu qandaraas cusub u saxiixi doono kooxda reer France.
Xaaladda ayaa haatan is bedeshay iyadoo Neymar uu ka dhaadhicinayo Messi, oo qandaraaskiisa Barcelona uu dhacayo xagaagan inuu u dhaqaaqo kooxda reer France sannadka dambe.