Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

CAJIIB: Waakan Xiddiga Premier League Ka Ciyaara

Arsenal ayaa u baahan inay uga mahad celiso weeraryahanka kooxda Everton ee Josh King sida uu ugu qalqaaliyay xiddiga ay Norway kasoo jeedaan ee Martin Odegaard inuu ugu wareego kooxda ree London. 22 sano jirka khadka dhexe oo suuqii bishii January qaab amaah ah kaga tagay Real Madrid una wareegay Arsenal ayaa ahaa mid horumarayay dhammaan 11-kii kulan ee uu ilaa hadda usoo ciyaaray kooxda tababare Mikel Arteta. Martin ayaa ahaa mid qaab ciyaareed holac ah kusoo bandhigay kulankii ay Axadii kooxdiisu bar-bardhaca soo…

David Alaba Oo Isku Shaandhayn Sameeyay,

Sida ay sheegayaan il-wareedyada caalamiga ah ee Sky Sports iyo RMC Sports, David Alaba ayaa laba kamida kooxaha doonaya meesha ka saaray halka uu laba kooxood oo kale u doortay kuwa uu mid ahaan kala dooran doono. Labada kooxood ee uu Alaba go’aansaday inuusan mid ahaan ku biiri doonin ayaa kala ah Paris Saint-Germain iyo Chelsea halka uu kala dooran doono kooxaha horyaalka La Liga ee Real Madrid iyo Barcelona. RMC ayaa sheegaya in PSG ay ku fashilantay fursda ay David Alaba ugu qancin karaysay inuu kooxdeeda kusoo…

Miyuu Haaland Isku Arkaa Inuu La Heer Noqday

Da’yarka kooxda Borussia Dortmund iyo xulka qaranka Norway ee Erling Haaland ayaa ka hadlay haddii uu isku arko mid la heer noqday xiddigaha kubadda cagta kasoo talinayay 15-kii sano ee ugu dambeeyay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi. Haaland ayaa markale qaadanaya xilli ciyaareed heer sarre ah isaga oo 33 gool kusoo dhaliyay 31 kulan oo uu kooxdaas u ciyaaray, qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayaa sababay in lala xidhiidhiyo inta badan kooxaha ugu waaweyn Yurub. Iyadoo uu hadda Messi 34 sano jir yahay isla markaana…

“Ciyaaryahanadda Chelsea Dabaaldegeen Markii Ay FC

Halyeeyga kooxda Fc Porto ee Paulo Futre ayaa shaaca ka qaaday sida uu uga cadhaysan yahay wararka uu helay ee sheegaya in xiddigaha kooxda Chelsea ay u dabaaldegeen isku aadkii labada kooxood ee wareega siddeed dhammaadka UEFA Champions League. Kooxda ka ciyaarta horyaalka Premiera Liga ayaa kasoo yaabsatay Juventus isla markaana kusoo reebtay wareega 16-ka ee Champions League waxaana loo arkaa mid banaanka ka joogta kooxaha ugu cad cad inay koobka ku guuleystaan. Chelsea oo wareegii hore si raaxo leh uga soo gudubtay…

Xiddigii Neymar Ka Hor Joogsaday Inuu Kusoo Laabto

Eric Abidal ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay dib ula soo saxeexan karaysay xiddiga reer Brazil ee Neymar, arrintaasina uu ka shaqeeyey markii uu safar ku tegay magaalada Paris oo ay wada-hadallo kusoo yeesheen Leonardo, hase yeeshee uu qorshahaasi fashilmay oo ay ugu dambayntii lasoo saxeexdeen Antoine Griezmann.Xagaagii 2019kii ayuu Eric Abidal oo ahaa agaasimaha kubadda cagta ee Barcelona, waxa uu u dhowaa in kooxda uu dib ugu soo celiyo Neymar, laakiin Griezmann ayaa sabab u noqday in laacibka reer Brazil uu iman…

QALBI AYUU LEEYAHAY: Zlatan Ibrahimovic Oo Ilmada

Xiddiga reer Sweden Zlatan Ibrahimovic oo lagu yaqaano nin ad-adag oo aan jixin-jixin inta uu garoonka ku jiro, ayaa ilmada ceshan kari waayey isagoo warbaahinta la hadlaya oo si toos ah shaashadaha looga daawanayo, kaddib markii uu xasuustay farriin uu ka helay wiilkiisa.Laacibkan afka hore uga ciyaara AC Milan oo xilli ciyaareedkan dhaliyey 17 gool 23 ciyaarood oo uu u saftay AC Milan, ayaa dib loogu yeedhay xulka qaranka waddankiisa Sweden oo uu ka maqnaa muddo afar sannadood ah.Zlatan Ibrahimovic oo ah xiddiga ugu…

JIILKA CUSUB: 50ka Xiddig Ee Ku Tartamaya

Jiilka cusub ee usoo baxaya dunida kubadda cagta aya la shaaciyey, waxaana hoggaanka u qabtay laacib da’yar oo laga yaabo in aanad filaynin in uu kaalintaas geli karayo.Shabakadda ciyaaraha Goal ayaa shaacisay 50ka xiddig ee da’da yar ee dunida qabsan doona, kuwaas oo ku tartamaya abaal-marinta NXGN oo bixinteeda la bilaabay sannadkii 2016kii.Ciyaaryahanadda ku tartamaysa abaal-marintan ayaa shuruudda koowaad ee lagu soo xulay ay tahay in ay dhasheen intii ka dambaysay January 1, 2020 ama intii ka dambaysay, waxaana liiskan…

Maxay Ahayd Qayladii Iyo Aflagaaddooyinkii Laga

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ka hadhay qaylo iyo aflagaaddooyin laga maqlay qolka lebbiska ciyaartoydeeda markii ay soo dhamaatay ciyaartii guul-darrada xanuunka badan ay kala kulmeen ee ay Benevento ku garaacday Axaddii, taas oo sii xumaysay rajada ay Old Lady ka qabto in ay horyaalka ku guuleysan karto xilli ciyaareedkan.Juventus oo tartanka Champions League kaga hadhay wareegga 16ka ayaa haddana luminaysa horyaalka oo ay kaga jirto kaalinta saddexaad iyadoo taagan meel ay adag tahay in ay soo qabato Inter Milan oo…

Gary Neville Oo Saadaaliyey Halka Ay Manchester

Gary Neville ayaa digniin u diray kooxdiisii hore ee Manchester United, waxaanu u sheegay in ay halis ku jirto oo ay lumin karto kaalinta labaad ee horyaalka Premier League.United oo Axaddii ka hadhay tartanka FA Cup oo wareegga siddeedda ay ku garaacday Leicester City oo 3-1 ku karbaashtay.Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Premier League, isla markaana 14 dhibcood ka dambaysa Man City oo labaad ku jirta ayaa waxay rajaynaysay in ay xilli ciyaareedkan hantido FA Cup, hase yeeshee…

Youri Tielemans Oo Sharraxay SIRTII Ka Caawisay In

Xiddiga khadka dhexe ee Youri Tielemans ayaa sharraxaad ka bixiyey sirtii kooxdiisa Leicester City ka caawisay in tartanka FA Cup ay ka cidhib-tiraan Manchester United oo wareeggii siddeedda ay si xun ugu karbaasheen Axaddii.United ayaa si daansho-daanshood ah kusoo gaadhay wareegga siddeedda ee FA Cup, laakiin Leicester City oo ay isku beegmeen ayaa si xun u jiid-jiidday, isla markaana ku garaacday 3-1.Ole Gunnar Solskjaer ayaa kulankan isbeddel badan ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray AC Milan ee Khamiistii guusha kala…