Falanqeynta kulanka Valladolid iyo Barcelona: Griezmann & Barcelona

Tababaraha kooxda Barcelona Ronald Koeman ayaa isbadal badan ku sameeyay kulanka caawa ay la ciyaarayaan kooxda Real Valladolid.

Kadib barbarihii ka dhacay Camp Nou ee ay la ciyaareen Valencia, Barcelona waa inay ku soo laabataa wadada guusha hadii aysan ka gaabin kooxda ay xafiiltamaan.

Koeman ayaa isbadal badan ku sameeyay shaxdiisa, iyadoo Antoine Griezmann, Philippe Coutinho iyo Sergio Busquets ay dhamaantood keydka fadhiyeen.

Ninka reer Holland ayaa doortay seddex daafac, halkaasoo Celemt Lenglet uu ku soo laabtay line-upka halka Ronald Araujo iyo Oscar Mingueza ay booskooda sii xajisteen.

Sergiño Dest iyo Jordi Alba ayaa garabka ka ciyaaraya, iyadoo khadka dhexe laga soo xushay Miralem Pjanic iyo Frenkie de Jong.

Weerarka, Griezmann iyo Coutinho ayaa laga saaray, iyadoo Lionel Messi uusan taaban Martin Braithwaite iyo Pedri oo weerarka ah, inkastoo Pedri uu ka ciyaari karo khadka dhexe.

Barcelona: Ter Stegen; Dest, Araujo, Lenglet, Mingueza, Jordi Alba; Pjanic, De Jong, Pedri; Braithwaite, Messi.

Keyd: Neto, Inaki Pena, Umtiti, Junior, Sergio Busquets, Alena, Riqui Puig, Coutinho, Trincao, Griezmann.

Valladolid: Masip; Hervías, Joaquín, Javi Sánchez, Nacho; Jota, Míchel, Rubén Alcaraz, bilbil Plano; Marcos André, Weissman.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More