Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Carlo Ancelotti Oo Xiddig Caan Ah Ka Dhiganaya Caawiyihiisa Shaqada

Iyadoo la xaqiijiyay in Carlo Ancelotti uu ku laabtay Real Madrid, waxaa isna xarunta kooxda ku soo laabanayo waji la yaqaano oo noqonaya caawiyihiisa koowaad.Waxaa haatan la dhisayaa shaqaalaha tababarka ee Ancelotti kala shaqeyn lahaa Los Blancos iyadoo xiddigii hore ee Madrid iyo Liverpool Alvaro Arbeloa uu ugu cadcad yahay inuu noqdo gacantiisa midig. Arbeloa ayaa lagu yaqaanaa inuu yahay nin Real Madrid aad u jecel, iyadoo taageerayaasha ay soo dhaweyn doonaan magacaabistiisa.Arbeloa ayaa bedeli doona Fernando Hierro…

Barcelona, Real Madrid Iyo Juventus Oo Laga Mamnuucayo Champions

Kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Juventus ayaa laga mamnuuci doonaa Champions League todobaadkan sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Talyaaniga.Seddexda kooxood ee waa weyn ee reer Yurub ayaa wajahaya ganaaxyo madaama ay qeyb ka ahaa qorshihii fashilmay ee lagu dhisayay horyaalka European Super League.Waxay seddexaadaan kooxood ku adkeysanayaan inay xaq u leeyihiin inay dhistaan tartan cusub, halka UEFA iyo FIFA ay ku doodayaan inaysan xaq u laheyn talaabadii ay qaadeen.12kii kooxood ee ku heshiiyay inay sameystaan…

Rio Ferdinand Oo Qalad Weyn Ku Tilmaanay In Xulka England Looga Soo

Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Gareth Southgate uu ku qaldanaa inuu kabtanka Manchester United Harry Maguire ku darsado xulkiisa England ee ka qeybgalaya tartanka Euro 2020 ee xagaagan dhacaya.Southgate ayaa shalay oo Talaado aheyd ku dhawaaqay 26ka xiddig ee England ku matalaya ciyaaraha Qaramada Yurub iyadoo Maguire lagu soo daray inkastoo uu dhaawac yahay.28 jirkaan ayaa seegay shantii kulan ee ugu danbeysay ee Manchester United ee ay ku jirtay finalkii Europa League ee ay guuldarada ka soo gaartay ka dib dhaawac xun oo…

Hadiyadihii Qaaliga Ahaa E Uu Sergio Aguero U Iibiyay Shaqaalaha Man

Sergio Aguero ayaa qarashgareeyay lacag gaareysa 60 kun ginni isagoo mid kasta oo ka mid ah shaqaalaha tababarka Manchester City u iibiyay saacad halka uu sidoo kale gaarigiisa cusub u hadiyeeyay iyagoo ku tartamaya.Halyeeyga reer Argentina oo 32 sanno jir ah ayaa ka tagay Etihad isagoo si xor ah ugu biiray Barcelona ka dib markii uu heshiis shaqsi ah la gaaray islamarkaana uu tijaabada caafimaadka ku maray Camp Nou.Laakiin Aguero ayaa hadiyado qaali ah siiyay 60 ka mid ah shaqaalaha Manchester City ka dib toban sannadood uu…

Sababta Aanad Rumaysan Karayn Ee Liverpool Uga Cadhootay Carlo

Carlo Ancelotti ayaa iskaga tegay Everton, waxaanu ku laabtay Real Madrid oo uu u saxeexay heshiis saddex sannadood ah, iyadoo uu beddelay Zinedine Zidane. Tani waxay keentay in kooxda kubadda cagta Liverpool ay ka cadhooto, sababtuna waxay tahay mid laga yaabo in aanad filaynin.In Ancelotti uu ku laabtay Real Madrid, waxay taageereyaasha Liverpool filayaan, in qofmadan aanu kaga hadlayno xasuusta xun ee Liverpool ka haysato finalkii Champions League ee 2018 ee Real Madrid ay koobkaga kaga qaaday Reds, iyadoo uu ciyaartaasna…

RASMI: Lambarada Ay Xidhanayaan Ciyaaryahanadda Xulka Qaranka England Oo

Kaddib markii uu Gareth Southgate ku dhawaaqay liiska kama dambaysta ah ee 26ka ciyaartoy ee xulka qaranka England ee ka qayb-geli doona  tartanak qaramada Yurub ee Euro 2020 ee toddobaad kaddib bilaabmi doona, waxa iyagana la shaaciyey lambarrada ay xidhanayaan ciyaartoydu.Xulka qaranka England ee lagu naanayso THE THREE LIONS, ayaa ciyarta ugu horreysa ee tartanka qaramada Yurub waxay kulmi doonaan Croatia maalinta Axadda ee June 13.Southgate ayaa Salaasadii soo saaray liiska rasmiga ah iyadoo uu ka saaray lixda ciyaartoy…

AKHRISO: Xulalka Rasmiga Ah Ee 24ka Waddan Ee Ka Qayb-gelaya Tartanka

UEFA ayaa ka doonaysay dhamaan waddamada ka qayb-gelaya tartanak Euro 2020 in ay soo gudbiyaan liisaska xulalkooda oo dhamaystiran Salaasada maanta oo ay taariikhdu ahayd June 1.Tartankan oo bilaabmi doona June 11, waxa ka qayb-geli doona 24 waddan oo saadaasha ugu badan la siinayo England, France, Belgium, Portugal iyo Germany, waxaana ciyaarta ugu dambaysa ay dhici doonaa July 11, taas oo ka dhigan in uu muddo bil ah socon doono.Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa sannadkan beddelay tirada ciyaartoyda  uu waddan…

QIIMAYN: Kuwa Nasiibka Ku Yimid, Laacibiinta Qaabka Xun & Qiimayn Lagu

26ka ciyaartoy ee xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka Qaramada Yurub ee bishan June bilaabmaya ayaa la shaaciyey, waxaana uu Gareth Southgate qaatay go’aan uu ku yareeyey hadal-hayntii iyo dhalleecayntii uu kula kulmi lahaa xulahsada.Alexander-Arnold ayaa xuddun u ahaa muran soo taagnaa toddobaadyo, waxaase uu Southgate ku xalliyey in uu xushay afar difaac midig si uu meesha uga saaro tooska iyo falanqaynta warbaahintu la daba taagan yihiin, waxaana uu soo qaatay Reece James, Kyle Walker iyo Kieran…

Magacyada LIX Xiddig Oo Waaweyn Oo Laga Fasaxayo Barcelona Kaddib

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xagaagan macasalaamaynaysa lix ka mid ah xiddigaheeda waaweyn si ay u yarayso kharashaadka kaddib saxeexyada bilaashka ah ee ay kula soo wareegtay dhawr ciyaartoy oo ay qaarkood xaqiijisay heshiisyadooda kuwo kalena la sugayo maalmaha soo socda.Barcelona ayaa lagu leeyahay dayn lacageed oo ka badan £1 bilyan ayaa waxay ka shaqaynaysaa in ay dhinto deymahan oo qaybo ka mid ah laga doonayo sannadkan gudihiisa, taas darteedna waxa uu Joan Laporta doonayaa in uu dhimo kharashaadka, gaar ahaan…

Waatan Shaxda Aan La Celin Karin Ee Ay Man City Doonayso Inay Yurub Ku

Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa qorshaynaysa inay isbedelo ku samayso safkeeda suuqa xagaaga sanadkan kaddib qalbi-jabkii ay ka qaaday Final-kii UEFA Champions League.City ayaa xilli ciyaareedkan qabsatay Premier League balse tababare Guardiola ayaa ah mid markasta raadinaya qorshe uu kaga fiicnaado kooxaha kale, Guardiola ayaa hubaal isku dayi doona inuu kooxda keeno laba saxeex oo lagu sheegay Harry Kane iyo Jack Grealish.City ayaa horyaalka England ku guuleysatay markeedii toddobaad…