Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

“Guardiola Isagaa Champions League Ka Xaday Man City, Waan Hubaa

Halyeeyga kubadda cagta Germany ee Lothar Matthaus ayaa tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ku eedeeyay inuu kooxdaasi sabab ugu ahaa inay ku guuldarraysato Final-ka UEFA Champions League habeenimadii Sabtidii.Guardiola ayaa marar badan lagu eedeeyay inuu isku dayo inuu keeno hab ciyaareed cusub kaas oo ku sababa guuldarro kooxdiisa iyadoo markale isla eedahaas dusha laga saarayo kaddib guuldarradii magaalada Porto kusoo gaadhay.Halyeeyga Bayern Munich oo kamid ah shaqsiyaadka ku eedeeyay Guardiola fashilkii Final-ka…

Arsenal Oo Ka Baxday Saxiixa Goolhayihii Ay Ku Bedeli Laheyd Bernd

Arsenal ayaa lagu qasbay inay ka laabato qorshaha saxiixa goolhayaha kooxda Brentford oo lagu magacaabo David Raya madaama kooxda Brentford ay u soo baxday Premier Leavue.Gunners ayaa isha ku heysay goolhayahaan xilli ciyaareedkan oo dhan iyadoo uu ku taliyay in la soo xerogeliyo tababaraha goolhayayaasha Gunners Inaki Ryan.Goolhaye David Raya ayaa qandaraaskiisa Brentford waxaa lagu burburin karay 10 milyan ginni haddii ay Brentford ku guuldareysan laheyd inay u soo baxdo Premier League taasoo ay Arsenal ka warqabtay.Si…

Arsenal & Raheem Sterling Oo Hawada Iska Helay & Heshiis Weyn Oo U

Arsenal ayaa hogaamineysa tartanka saxiixa Raheem Sterling iyadoo heshiiskaan uu meesha ka saari karo heshiiska uu Harry Kane ugu wareegayo Manchester City.Xiddiga garabka ka ciyaara ee Ingariiska oo 26 sanno jir ah ayaa booskiisa Manchester City waayay bilihii ugu danbeeyay ka dib markii uu soo baxay Phil Foden.Madaama uu Sergio Aguero si xor ah ugu wareegay Barcelona, Guardiola ayaa doonaya inuu la soo saxiixdo weeraryaahn cusub oo ugu danbeyn ka caawiya kooxdiisa ku guuleysiga Champions League ka dib markii koobka laga…

Hal Sharuud Kaliya Ayaa Ku Xiran Inuu Cristiano Ronaldo Xagaagan Ku

Cristiano Ronaldo ayay u badan tahay inuu isaga tago Juventus xagaagan sida ay sheegayaan wararka Talyaaniga ka soo baxaya.Weeraryahanka oo 36 sanno jir ah ayaa si xoogan loola xiriirinayaa inuu ku laabanayo kooxdiisa hore ee Manchester United laakiin PSG ayaa sidoo kale weli xiiseyneysa.Saaxiibtiisa Georgina Rodriguez ayaa dhawaan sheegtay in ninkeeda uu sii joogayo Turin balse waxay u muuqataa in xaalada ay sidaasi ka duwan tahay.Xaqiiqdiina waxaa sii kordhaya suurtogalnimada uu Ronaldo kaga tagi karo Talyaaniga xagaagan…

CR7 Oo Old Trafford Ku Jeeda, Real Oo Heshay Tababaraheeda Cusub,

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa si xowli ah ku socda iyadoo kooxaha Yurub ay isku diyaarinayaan xilli ciyaareedka soo socda, waxaa durba jira heshiis la dhameystiray halka xiddigo waa weyn la filayo inay kooxo cusub u wareegaan xagaagan.Hadaba waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa saaka wararkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada.Manchester United ayaa si dhab ah uga fiirsaneysa inay dib u la soo saxiixato xiddiga Juventus iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo oo 36 sanno jir ah, waxaana…

Wajigabaxii Ku Dhacay Willian Markii Ay Chelsea Qaaday Champions

Willian ayaa wajigabax la kulamy ka dib hadal ka tagay markii uu u saxiixayay Arsenal taasoo haatan dharbaaxo ku noqotay.Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Brazil oo 32 sanno jir ah ayaa ka tagay Chelsea una wareegay Emirates Stadium xagaagii la soo dhaafay.Taageerayaasha ayaa wax badan ka filanayay xiddigaan ka dib markii uu wacdarro dhigayo kulankiisii ugu horeysay ee Gunners laakiin weeraryahanka ayaa kaliya sameeyay lix caawin xilli ciyaareedka oo dhan isagoo dhaliyay kaliya hal gool kulankii ugu danbeeyay ee xilli…

Abramovich Oo Qalinka Ku Duugay 200 Milyan Oo Chelsea Ay Seddex Xiddig

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa la siin doonaa lacag gaareysa 200 milyan ginni uu qarashgareeyo xagaagan iyadoo macalinka reer Jarmal uu ugu yaraan doonayo inuu lacagtaas ku soo xerogeliyo seddex laacib oo aan kala dhicin.Tuchel ayaa Chelsea ku hogaamiyay koobka Champions League Sabtidii iyagoo 1-0 kaga badiyay Manchester City finalkii ka dhacay magaalada Porto, taasoo keentay in qandaraaskiisa uu kordho madaama uu dhici lahaa xagaaga danbe.Chelsea ayaa qarashgareysay 220 milyan ginni xagaagii la soo dhaafay, laakiin…

Eden Hazard Oo Afka Furtay Si Rasmi Ahna Uga Hadlay Haddii Uu Ku

Eden Hazard ayaa meesha ka saaray inuu ku soo laabanayo Chelsea xagaagan isagoo sheegay inuu u heelan yahay inuu noqdo xiddiga ugu weyn Real Madrid.Xiddiga reer Belgium oo 30 sanno jir ah ayaa todoba sannadood oo guulo ahaa ku qaatay Stamford Bridge ka hor inta uusan ka tagin kuna biirin kooxda reer Spain sannadkii 2019.Hazard ayaa ku guuleystay labo koob oo Premier League ah, Europa League iyo FA Cup intii uu joogay Chelsea isagoo mudadaas ka mid noqday xiddigaha ugu fiican Yurub.Laakiin xaalad taas ka duwan ayuu Hazard ku…

Muxuu Sergio Aguero Ka Yidhi Ku Biiristiisa Barcelona & Sharraxaad Uu

Sergio Aguero ayaa maanta si rasmi ah ugu wareegay Barcelona oo uu u saxeexay heshiis laba sannadood ah, isagoo si bilaash ah ugaga yimid Manchester City.Xiddiga reer Argentina ayaa soo afjaray toban sannadood oo uu u ciyaarayay Manchester City, waxaana uu ka degay Barcelona kaddib markii uu dhamaaday qandaraaskiisii Etihad Stadium, iyadoo kulankiisii ugu dambeeyey ee uu xidhay shaadhka City na uu ahaa finalkii Champions League ee niyad-jabku kasoo gaadhay.Sergio Aguero ayaa  qalinka ku duugay heshiis laba sannadood ah oo…

RASMI: Xiddigii Sannadka, Weeraryahankii, Goolhayihii, Difaacii Iyo

Horyaalka Talyaaniga ee Serie A ayaa xiddigii ugu wanaagsanaa xilli ciyaareedkii dhamaaday ee 2020-21, waxaana ku guuleystay weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku oo Inter Milan ka caawiyey in ay ku guuleysato horyaalka Talyaaniga.Lukaku oo xilli ciyaareedkan dhaliyey 24 gool iyo 11 caawimood oo uu sameeyey ayaa kooxdiisa ku hoggaamiyey horyaalkeedii ugu horreeyey muddo toban sannadood ah iyagoo soo afjaray muddo sagaal sannadood ahayd oo ay Juventus si xidhiidh ah horyaalka ugu guuleysanaysay.Kaddib markii xiddiga ugu…