Maxay Ahayd Hadiyaddii Uu Thiago Silva U Diray John Terry, Muxuuse

Halyeygii Chelsea ee John Terry ayaa u mahad-celiyey difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo hadiyad u diray kaddib markii uu soo dhamaaday xilli ciyaareedka Premier League ee  2020-21.

Thiago Silva ayaa dhamaystay kulankii  ugu dambeeyey horyaalka Premier League ee ay la ciyaareen Aston Villa, waxaana markii ay soo dhamaatay ciyaartaasi uu John Terry oo ah tababare ku-xigeenka Aston Villa uu guddoonsiiyey garankii uu ku ciyaaray kulanka, kaas oo uu hadiyad uga  dhigay.

John Terry ayaa aad ugu farxad hadiyaddaas oo uu u arkay mid uu Thiago Silva ku qaddarinayo, waxaana uu baraha bulshada u adeegsaday in uu ugu mahad-celiyo laacibkan dhaxlay booskii difaaca ee uu ka ciyaari jiray sannadaha badan.

Chelsea ayaa guul-darro la kulantay ciyaartaas, waxaanay gashay halis ah in ay ka hadho tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, laakiin waxa caawisay Tottenham oo 4-2 ku garaacday Leicester City oo haddii ay badin lahayd kaalinta afraad kala bixi lahayd Blues.

Inkasta oo laga badiyey, Chelsea ayaa bandhig heersare ah muujisay, waxaana nasiibkoodu siiyey in ay ku dhamaysato kaalinta afraad ee horyaalka.

Silva oo 36 jir ah, xagaagiina kusoo biiray Chelsea isagoo ka yimid Paris Saint-Germain, ayaa ciyaarta kaddib waxa uu la kulmay Terry, waxaanu guddoonsiiyey shaadhkii uu kulanka ku ciyaarayay.

John oo kooxdiisa Aston Villa ay kaalinta 11aad kaga dhamaysatay horyaalka Premier League, ayaa hadiyaddii uu ka helay Silva kusoo bandhigay bartiisa bulshada, isagoo kusoo dul-qoray: “Alla muxuu ninkani ciyaaartoy yahay. Farxad ayay ii ahayd in aan ku arkay. Halyey.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More