Dani Alves Oo Shaaciyey Dalab Uu Ka Helay Premier League Oo Uu Ka
Halyeyga reer Brazil ee Dani Alves ayaa soo bandhigay dalab uu ka helay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo uu iska beer-darreeyey, kaas oo uu illaa hadda ka qoomamoonayo in uu ka faa’iidaysan waayey.
Dani Alves waxa uu ku guuleystay wax walba oo heer kooxeed ah, waxaana uu hoggaaminayaa liiska ciyaartoyda ugu koobabka badan dunida, isagoo ka ciyaaray saddex ka mid ah horyaallada waaweyn. LaLiga, Serie A iyo Ligue 1 ayuu hantiyey, waxa kale oo uu ku guuleystay Champions League waqtigii uu joogay Barcelona, laakiin waxa kale oo soo martay fursad uu ugu guuleysan kari lahaa horyaalka Premier League oo uu is-dhaafiyey.
Difaacan midig ayaa sheegay in sannadkii 2017 uu dalab ka helay Manchester City, balse fursaddaas dhaaftay uu ka qoomamoonayo.
Dani Alves oo ka mid ahaa ciyaaryahannadii booska difaaca midig ee ugu fiicnaa, waxa isagoo isku diyaarinaya in uu ka tago Juventus oo uu hal xilli ciyaareed ku qaatay lasoo xidhiidhay Pep Guardiola oo ka dalbaday in uu kula soo biiro Manchester City, laakiin Dani Alves ayaa go’aan ku gaadhay in uu tago PSG oo ay uga yeedhayeen ciyaartoyda ay isku waddanka yihiin ee Neymar, Marquinhos, Thiago Silva iyo kuwo kale.
38 jirkan oo waqtigan u ciyaara kooxda Sao Paolo ee ka dhisan waddanka Brazil, dhowaanna lagu soo daray xulka qaranka Brazil ee ka qayb-gelaya ciyaaraha Copa America ayaa waraysi uu siiyey SportTV, waxa uu ku yidhi: “Waan ka qoomamoonayaa in aanan tegin Manchester City {2017} si aan mar kale ula shaqeeyo Pep Guardiola.
“Marka aad la joogto dadka sida Guardiola oo kale ah, wax badan ayaa kuusoo kordhaya. Qoomamadaydu waa in aanan tegin oo aanan la shaqaynin. Laakiin noloshii PSG waxay ahayd mid cajiib ah.”