Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Muxuu Ahaa Rikoodhka Xun Ee Benzema Looga Diiwaangeliyey Kulankii

Karim Benzema ayaa kulankiisii ugu horreeyey u saftay xulka qaranka France muddo lix sannadood ku dhow, waxaanu kusoo bilowday ciyaartii saaxiibtinimo ee Arbacadii ay 3-0 ku karbaasheen Wales, taas oo u ahayd mid farxad badan.Weeraryahankan ayaa lagu daray xulka qaranka France ee tartanka Euro 2020 ka qayb-gelaya, waxaanay taasi soo afjartay caydhintii lagaga sameeyey xulka qaranka markii ay soo baxday fadeexaddii cajaladda galmo ee laga duubay Valbuena sannadkii 2015.Benzema ayaa kusoo garab bilowday Kylian Mbappe iyo…

Kevin De Bruyne Oo Dhaawac Ku Seegaya Furitaanka Euro 2020 Iyo

Kevin de Bruyne ayaa seegi doona kulanka waddankiisa Belgium uu ku furanayo tartanka Euro 2020 ee ay ka hortegi doonaan waddanka Ruushka, kaddib dhaawacii kasoo gaadhay wajiga finalkii Champions League, markaas oo uu ka jabay sanqaroorka iyo lafta isha agteeda.Tababaraha xulka qaranka Belgium ee Roberto Martinez ayaa xaqiijiyey, in Kevin de Bruyne aanu qayb ka noqon doonin kulanka ay RUushka la ciyaari doonaan, laakiin ay kulamada xiga u xidhi doonaan ‘weji-ilaaliye’ u qarin doona sanka iyo indhaha agtooda ee uu dhaawacu ka…

Arsene Wenger Oo Magacaabay Waddanka Ku Guuleysanaya Koobka Euro 2020

Tababarihii hore ee Arsene ee Arsene Wenger ayaa magacaabay waddanka ugu cad-cad ee  ku guuleysan doona tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 ee toddobaadka dambe bilaabmi doona.Arsene Wenger oo ka tirsan masuuliyiinta FIFA, isla markaana ciyaaraha ka falanqeeya telefishanka beIN Sports oo uu ka tirsan yahay khubaradiisa ayaa waxa uu rumaysan yahay, in laacib ciyaaraha caalamiga ahaa  ka maqnaa sannado badan balse dib usoo noqday uu isbeddel ku samaynayo sidii ay markii hore ahayd awoodaha qaramada Yurub ee ku loollami doona…

Faransiiska Oo Xasuuq Geystay, England Oo Libin Dirti Ah Heshay,

Xulka qaranka England ayaa guul cidhiidhi ah gaadhay Austria oo ay ku martigeliyeen Riverside, kulan saaxiibtinimo oo ay iskugu diyaarinayeen tartanka qaramada Yurub ee toddobaad kaddib bilaabmi doona.Gool uu qaybtii labaad u dhaliyey Bukayo Saka ayaa England ay ku heshay guul u noqonaysa niyad-dhis wanaagsan  oo ay ku tegi doono Euro 2020, waxaana tababare Gareth Southgate ay heleen fursado kale oo ay goolal u beddeli karayeen, halka Austria ay iyaduna khataro badan abuurtay qaybtii dambe oo ay lumisay kubbado goolal loo…

Kaddib Guushii Champions League, Akhriso Mushaharka Ciyaaryahanadda

Ciyaaryahanadda Chelsea ayaa la siinayaa £10 milyan oo Gini oo abaal-marin ahaan ay u heli doonaan kaddib guushii koobka Champions League ee horraantii toddobaadkan.Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa u ballan-qaaday ciyaartoyda, inuu siinayo £10 milyan haddii ay ku guuleystaan Champions League, waxaanay xiddigaha kooxdu xaqiijiyeen guushaas, waxayse ka sugayaan maalqabeenkan in uu isagunka dhabeeyo ballanta uu qaaday.Tababare Thomas Tuchel oo bishii January loo magacaabay shaqada tababarenimo ee Chelsea ayaa…

DAGAAL: Sergio Ramos Oo Isku Diraya Ciyaaryahanadda & Maamulka Real Madrid

Kabtanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa la sheegay in uu ka shaqaynayo sidii uu iskugu dhufan lahaa ciyaartoyda iyo maamulka, waxaanu ku guubaabinayaa inay ka hor yimaaddaan Madaxweyne Florentino Perez.Sergio Ramos oo uu qandaraaskiisu dhamaaday ayey wali kooxda isku afgaran la’ yihiin in uu saxeexo qandaraas cusub, waxaana la filayaa in toddobaadyada soo socda si rasmi ah loo ogaado haddii uu ka tegayo Real Madrid iyo haddii uu saxeexayo heshiis cusub.Laakiin ka hor inta aan la isla gaadhin arrintiisa…

Barcelona Oo Go’aankii La Sugayay Ka Gaarey Tababare Ronald Koeman –

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa go’aankii la sugayay ka gaadhay tababare Ronald Koeman oo tan iyo markii uu xilli ciyaareedku dhamaaday mustaqbalkiisa mugdi ku jiray, isla markaana u dhexeeyey in la eryo iyo in uu kusii negaado oo uu sii joogo kooxda.Koeman ayaa xagaagii hore yimid Barcelona isagoo waqtigaas iska soo casilay tababarenimada xulka qarankiisa Holland, waxaanu shaqada ka beddelay Quique Setien, hase yeeshee hal xilli ciyaareed kaddib waxa looga yeedhay xafiiska madaxweynaha kooxda, waxaana mar kale loo…

DAAWO YAABKAN: Maxaa Kala Qabsaday Didier Deschamps Iyo N’Golo Kante

N’Golo Kante ayaa kasoo habsaamay shirkii tababare Didier Deschamps iyo ciyaartoyda xulka qaranka France ee ka horreeyey, waxaana uu waqti dambe soo galay qolka shirku ka dhacayay oo ay kaliya ku sugnaayeen tababaraha iyo gacan-yareyaashiisa.Kante oo Sabtidii Chelsea kula soo guuleystay tartanka Champions League, ahaana hadal-hayntii ugu badnayd ee ka taagnayd fagaareyaasha ciyaaraha kaddib markii uu bandhig cajiib ah sameeyey.Laacibkan oo xiddiga garoonka kusoo guuleystay saddexdii kulan ee finalka Champions League iyo…

QIIMAYN: Fursadda Uu Waddan Walba U Haysto Ku Guuleysiga EURO 2020 Oo

Tartanka Euro 2020 ee ay ahayd in sannadkii hore la qabto, waxa dib loogu dhigay sababta fayraska Korona dartii, laakiin waxa xidhiidhka kubadda cagta Yuruh ee UEFA uu go’aansaday in aan laga beddelin magaciisii asalka ahaa ee Euro 2020.Maalinta Jimcaha ee June 11 ayay bilaabmayaan ciyaaraha qaramada Yurub ee sannadkan, waxaana ka qayb-gelaya 24 waddan iyadoo la beddelay qaabkii hore loo ciyaari jiray oo ay si wada-jir ah u martigelinayaan 11 magaalo oo ku kala yaalla 11 waddan.Liisaska kama dambaysta ah ee xulalka ayaa UEFA…

Manchester United Oo Diyaarisay Lambarrada Ay Xidhanayaan Raphael

Manchester United ayaa si xooggan u gelaysa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, waxaana ay qorshaynaysaa in ay lasoo saxeexato laba illaa saddex ciyaartoy oo isbeddel ku samayn kara safka kooxda, sarena usoo qaada awooddooda, si ay usoo yareeyaan farqiga u dhexeeyey Manchester City xilli ciyaareedkii dhowaanta dhamaaday.Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ay kooxdiisu kaalinta labaad kaga dhamaysatay horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkii hore, sidoo kalena ay finalka Europa League kaga qaadday Villarreal, waxa uu suuqa…