Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

GO’AAN: Carlo Ancelotti Oo Go’aan Cad Ka Qaatay Mustaqbalka Martin

Kooxda Arsenal ayaa u muuqata mid ay haleeshay dhibaato dhinaca suuqa kala iibsiga ahi kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti uu kooxda ka doonayo Martin Odegaard.Xiddiga Norwegian-ka ah ayaa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore ku qaatay Arsenal isaga oo wacdarro soo dhigay mudada gaaban ee uu Emirates Stadium kasoo ciyaarayay.Arsenal ayaa ahayd mid ay ka go’antahay inay rasmi ka dhigto saxeexa Odegaard isla markaana ku rajo weynayd in Ancelotti uusan ka…

YAAB: Aabaha Sergio Aguero Oo Jawaab Hadal Hayn Badan Dhalisay Bixiyay

Aabaha Sergio Aguero ayaa ku eedeeyay tababare Pep Guarddiola inuu oohin beena u ooyay wiilkiisa kulankii sagootinta weeraryahankaas ee Manchester City ka dhacay ciyaartii ugu dambaysay Premier League xilli ciyaareedkan.Walaalka Aguero ee Mauricio ayaa sidoo kale Aguero ku eedeeyay dhawaan inuusan ahayn mid marnaba doonayay inuu kooxda ku haysto isaga oo kaga hadlay qoraal Twitter ah oo uu markii dambe tir-tiray.Markale aabaha Aguero oo lagu magacaabo Leonel ayaa eedayn dusha ka saaray Guardiola kaddib markii uu 33 sano…

LAMA FILAAN: Xiddiga Aanad Filayn Ee Uu Ancelotti Ku Riyoon Jiray Inuu

Kusoo laabashada Real Madrid ayaa ah mid tababare Carlo Ancelotti waxyaabo badan oo kala duwan uga dhigan, mid kamida ayaa ah fursada uu ugu dambayn kula shaqayn karo daafaca bidix ee Ferland Mendy.Tababaraha ree Talyaani ayaa saxeexa Mendy doonayay sanadkii 2019 markii uu ahaa macalinka kooxda Napoli balse waxa uu ciyaaryahanku ugu dambayn ku biiray Real Madrid.Wakhtigaas Mendy ayaa ahaa mid u ciyaarayay Lyon waxaana Ancelotti ka go’nayd inuu Napoli keensado isaga uu maamulka kooxda ku qanciyay inay 25 Milyan oo pound ku…

Man City Mise Man United? Kabtanka Aston Villa Ee Jack Grealish Oo

Kubad sameeyaha kooxda Aston Villa iyo xulka England ee Jack Grealish ayaa la xusayaa inuu kala doortay kooxaha ree Manchester ee United iyo City oo labadaba lala xidhiidhinayo saxeexiisa suuqa xagaaga ee sanadkan.25 sano jirkaas ayaa xilli ciyaareed cajiib ah lasoo qaatay Villa isaga oo 7 gool iyo 12 caawimo usoo sameeyay xilli uu dhacsaday booskiisa tartanka EURO 2020 ee bishan furmaya.Manchester United ayaa ahayd kooxda xagaagii sanadkii hore doonaysay saxeexa Jack balse wakhtigaas ayaysan u suurogalin in lagu soo xoojiyo…

Waatan Shaxda Cajiibka Ah Ee Ay Barcelona Doonayso Inay Xilli

Waxa la filayaa in shax Barcelona ah oo aad uga duwan midii hore ay tartan geli doonto xilli ciyaareedka dambe iyaga oo xagaagan suuqa dhaq-dhaqaaqyo waaweyn ka samaynaya isla markaana isku dayaya inay heshiis cusub ka saxeexdaan Lionel Messi.Waxa la filayaa in tababare Ronald Koeman uu sii ahaan doono tababaraha kooxda, talaabadaas ayaa ah mid layaab leh balse sidoo kale fududayn doonta saxeexyada xiddigaha qaar ay kooxdu isha ku hayso.Sergio Aguero ayaa kamid ah xiddigaha xilli horeba xaqiijiyay heshiiska ay Barcelona ugu…

RASMI: Liverpool Oo Ku Dhawaaqday Xiddiga Ku Guuleystay Goolkii

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaacisay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta goolkii ugu wanaagsanaa ee ay kooxdaasi dhaliso xilli ciyaareedkan, kaas oo ay ku tartameen labada Mohamed Salah iyo Alisson Becker.Goolhayaha reer Brazil ee Alisson ayaa ku garaacay Mohamed Salah iyo Rinsola Babajide goolkii ugu qurux badnaa ee xilli ciyaareedkii 2020/21 ee dhowaanta dhamaaday.Alisson ayaa madax ku dhaliyey kubbad koorne ahayd daqiiqaddii ugu dambaysay ee kulankii West Bromwich Albion ee xilli ciyaareedkan, kaas oo ay rajada…

SAADAAL: Min Kulanka U Horreeya Illaa Finalka Euro 2020 Oo La

Waa su’aasha ugu weyn ee taalla, waase mid ku xidhan awoodda waddamada, nasiibka iyo waqtiga oo noqonaya midka go’aaminaya dalka ku guuleysan doona tartanka qaramada Yurub ee toddobaadka dambe bilaabmi doona.Sannadkii hore ayaa uu qorshaysnaa in la qabto Euro 2020, laakiin fayraska Korona dartii ayaa dib loogu dhigay muddo sannad ah, waxaase UEFA ay go’aamisay in aanay ka beddelin magaciisii ahaa Euro 2020 xataa iyadoo sannad kaddib la ciyaarayo.Saadaalo kala duwan ayaa laga bixinayaa waddamada ugu cad-cad ee ku guuleysan…

SADDEX Xiddig Oo Isku Weydaaranaya Real, PSG & Juve, Laba Ciyaartoy Oo

Real Madrid ayaa lasoo saxeexanaysa weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo 22 jir ah, waxaanay PSG booskiisa ku biixn doontaa Cristaino Ronaldo oo 36 jir, ayna ka qaadan doonto Juventus, taas oo iyadana la siin doono Mauro Icardi oo 28 jir ah oo ku laaban doona Talyaaniga. (Lacazette)Real Madrid ayaa la xidhiidhay Jose Mourinho toddobaadkii tegay ka ho rintii aanay magacaabin Carlo Ancelotti. Mourinho oo dhowaan qandaraas u saxeexay Roma ayaa iska diiday in uu ku laabto Madrid. (Telegraph)Rajadii Chelsea ee ahayd in…

Haddii Aad Is-leedahay Waxaad Ka Fiicnaan Kartaa Ronaldo Iyo Messi,

Weeraryahanka reer France ee Klian Mbappe ayaa rajaynaya in koobkii Adduunka ee uu ku guuleystay 2018 uu ku darsado Euro 2020 oo uu xulka qarankiisa ku hoggaamiyo, laakiin waxa uu ogsoon yahay in jid-dheer ay u marayaan hanashada koobkan.Paris Saint-Germain ayuu xiddigeedani rumaysan yahay, in loo baahan yahay in yool la yeesho oo diiradda lagu jeediyo hal meel, taas oo uu tibaaxay in ay ka caawin karto in ay ku guuleystaan.22 jirkan oo waraysi siinayey Esquire, ayaa yidhi: “Kubadda heerkeedu sarreeyo, qofna meel kuuma…

Chelsea Oo Guul-darro Kasoo Gaarey Suuqa Iibka & Xiddigii Ugu Weynaa

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa jug weyni kasoo gaadhay suuqa iibka ciyaartoyga, waxaana dhabarka u jeediyey laacibkii ugu weynaa ee ay doonayeen in ay soo iibsadaan xagaaagan.Chelsea ayaa markii ay ku guuleysatay tartanka Champions League, waxay calaamadsatay saddex ciyaartoy oo Thomas Tuchel uu doonayey in uu kusoo kordhiyo safkiisa, kuwaas oo lacagtoodana uu ka helay Roman Abramovich oo qalinka ku duugay 200 milyan oo Gini oo saddexdaas ciyaartoy uu ku keeni Stamford Bridge.Weeraryahanka reer Belgium ee Romalu Lukaku…