Villarreal Oo Ku Guuleysatay Europa League, Rulli Oo Noqday Geesigii
Kooxda kubadda cagta Villarreal ayaa ku guuleysatay Koobka Europa League iyadoo rikoodheyaal ku garaacday Manchester United oo finalkii 5aad lagaga guuleystay intii uu Ole Gunnar Solskjaer tababaraha u ahaa.
Villarreal ayaa xaqiijisatay in ay gacanta ku dhigto koobka Europa League oo ay bandhig wanaagsan ka samaysay, waxaana ka caawiyey goolhaye Geronimo Rulli oo rikoodhihii ugu dambeeyey u dhaliyey, kana qabtay David de Gea.
Kooxda reer Spain ayaa qaybtii hore ee ciyaarta waxay la hormartay gool uu u dhaliyey Moreno, waxaase barbarraysay United oo qaybtii dambe uu u dhaliyey Edinson Cavani, waxaana 90kii daqiiqadood iyo waqtigii dheeraadka ahaa ee 30ka daqiiqadoodba ay kusoo dhamaatay 1-1.
Rikoodheyaal ama gool ku laad loo dhigay labada kooxood ayaa waxa 11-10 ku badisay Villarreal, waxaana Manchester United guul-darrada ku hoggaamiyey goolhayeeda David de Gea oo laadkii ugu dambeeyey laga qabtay.
Tababare Unai Emery ayaa dhigay taariikh kale, waxaanu markii afraad ku guuleystay koobka Europa League, iyadoo uu saddexda mar ee hore usoo qaaday kooxda Sevilla ee reer Spain, halka Manchester United oo koobkan qaadday sannadkii 2017 ay mar kale sii ahaanayso koob la’aan.
Faahfaahintii kulanka
Villarreal ayaa gool la hormartay daqiiqaddii 29aad ee ciyaarta, waxaana Man United lagu ciqaabay qalad uu galay Edinson Cavani oo laad xor ah loogu dhigay Villarreal, kaas oo uu soo tuuray Daniel Parejo, isla markaana uu goolka ku qabtay Gerard Moreno oo lugta geliyey kubbad u dhaaftay difaacyahannada.
Laakiin Manchester United oo inta badan maamulaysay ciyaarta ayaa goolkaas iska soo beddelay qaybta labaad, waxaana kubbad uu soo tuuray Scott McTominay shabaqa dhex dhigay Edinson Cavani oo saxay qaladkii uu sameeyey daqiiqaddii 58aad ee qaybta labaad ee ciyaarta.
Red Devils ayaa heshay fursado badan oo kale, waxaanay dhawr jeer ku doodeen in loosoo daawado VAR iyagoo rumaysnaa in qalad lagu galay ciyaartoydooda, laakiin garsooraha ayaa u sheegay in aanay waxba dhicin, isagoo sidoo kalena kaashanayay kaaliyeyaashiisa shaashadaha ka caawinaya.
Unai Emery ayaa xeelad ciyaaray qaybtii damber, waxaanu sameeyey beddello badan xilli uu culays saarnaa kooxdiisa, waxaanay taasi ka caawisay in ay adkaystaan khadkooda dambe oo ay 90kii daqiiqadood ee ciyaarta ku dhameeyaan barbarro 1-1 ah.
Ciyaarta ayaa lagu daray soddon daqiiqadood oo dheeraad ah oo aanay labada kooxood wax goolal ah kala dhalinin.
Intaas kaddib ayay labada kooxood galeen gool ku-laad ama rikoodheyaal, waxaana ku hormartay Villarreal oo uu u dhaliyey Moreno oo dhinaca qaldan u diray David de Gea, waxaana ku xigay Juan Mata oo ay kubaddiisu halis gashay, iyadoo uu goolhayuhu sii taabtay balse ay waxyar ka dallacantay.
Daniel Raba iyo Alex Telles ayaa isku jawaabay oo dhaliyey rikoodheyaashoodii iyagoon wax qalad ah samaynin, waxaana laadkii laadkii saddexaad qaadatay Villarreal oo uu u dhaliyey Paco Alcacer oo isagana uu barbarreeyey Bruno Fernandes oo isagana kubaddiisu halis gashay.
Difaaca bidix ee Alberto Moreno oo beddel kusoo galay ciyaarta ayaa soo kacay, waxaanu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa, laakiin waxa soo qabtay Marcus Rashford oo ciyaarta kusoo celiyey barbarro.
Parejo ayaa rikoodhihii shanaad u saxeexay Villarreal, waxaana ay ciyaartoyda kooxdiisu gacmaha kor ugu taageen iyagoo ku ducaysanaya in Manchester United lumiso rikoodhaheeda ugu dambeeya. Edinson Cavani ayaa soo beday oo shantii rikoodhe kusoo xidhay laadkiisa oo qalad la’aan ahaa.
Intaas kaddib waxa bilowday rikoodheyaal kooxdii laga qabto ee laga dhaliyo ay si toos ah u tegayso, waxaana isku xigay Moi Gomez iyo Fred oo labaduba dhaliyey, waxaana sii raaciyey Raul Albiol iyo Daniel James.
Francis Coquelin ayaa rikoodhihii siddeedaad u dhaliyey Villarreal, waxaase mar kale barbarro ka dhigay Luke Shaw oo kubaddiisu ay ka hoos baxday goolhaye Geronimo Rulli.
Mario Gaspar iyo Alex Tuanzebe ayaa rikoodheyaashii sagaalaad qaatay oo dhaliyey, waxaana laadkii tobnaad iskugu jawaabay Pau Torres iyo Victor Lindelof.
Goolhaye Geronimo Rulli ayaa rikoodhihii 11aad u dhaliyey Villarreal, kaddibna ka qabtay David De Gea, sidaas ayaanay Villarreal ku qaaday koobka Europa League.