Qaladaadkii Waaweynaa Ee Ay Samaysay Manchester United Finalkii Europa

Halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa sharraxaad ka bixiyey qaladaadkii ay samaysay Red Devils kulankii finalka Europa League ee xalay ay Villarreal koobka kaga qaadday rikoodheyaasha magaalada Gdansk ee waddanka Poland.

- Advertisement -

Ciyaartan oo socotay 120 daqiiqadood ayaa kusoo dhamaatay 1-1, waxaana la dhigay rikoodheyaal ay dhamaan 22kii ciyaartoy ee garoonka ku jiray ay wada tuurteen, iyadoo ugu dambayntiii laga qabtay David de Gea, sidaasna ay natiijada rikoodheyaashu ugu soo dhamaatay 11-10.

United ayaa gool lagala hormaray qaybtii hore, waxaana Villarreal u saxeexay Gerard Moreno, laakiin Edinson Cavani ayaa natiijada isku-mid ka dhigay isagoo dhaliyey goolka barbarraha.

Markii ay ciyaartu soo dhamaatay ee ay ciyaartoyda Manchester United murugada la ooyayeen, waxa qaladaadkii dhacay soo bandhigay halyeygii kooxdaas ee Rio Ferdinand oo falanqeeye ka ahaa kulanka.

Rio Ferdinand oo sharraxayay qaladka ugu weynaa ayaa yidhi: “Manchester United waxay xilli ciyaareedka oo dhan isku hallaynaysaa shaqsiyaad si ay kaadhkooda u ciyaaraan waqtiyada xaasaasiga ah ee kulamada.

“Bruno ayaa ahaa ninka ay ku tiirsanaayeen, Cavani, Mason mararka qaarkoodna Marcus, laakiin maanta marnaba alaabtooda lama iman. Qaybtii saddexaad  ee u dambaysay, si ku filan ugamay faa’iidaysanin fursadahooda, khatar ku filan may samaynin, qiyaas iyo hal-abuur ba kama jirin halkaas.”

Rio Ferdinand waxa uu amaanay tababaraha Villarreal ee Unai Emery, waxaanu yidhi: “Xeelad ahaan, waxa uu helay tabta. Cavani ayaa isku dayayay in uu difaaca ka daba-baxo, laakiin marnaba umay ogolaanin in uu dhabarkooda ordo. Bruno ayaa la caydhsaday, mar walbana waa lagu dhegsanaa.

“Firaaqo may helin dadka sida Mason Greenwood, Marcus Rashford, markaa waa inaad amaanta siiso Unai Emery, sababtoo ah xeelad ahaan ayuu ku sarreeyey.”

United ayaa afar sannadood sugaysay in ay koob hesho, laakiikn Ole Gunnar Solskjaer ayaa mar kale kooxdiisu ay abaartii ku sii jiraysaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More