FINALKA EUROPA LEAGUE: Shaxaha Rasmiga Ah Ee Man United vs Villarreal

Ciyaaryahanadda Manchester United iyo Villarreal ayaa ku sugan gudaha garoonka PGE Arena ee magaalada Gdansk ee waddanka Poland, halkaas oo ay sidoo kale joogaan 9,500 taageereyaal ah, kuwaas oo kala taageeraya labada naadi.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa raadinaya in uu United kula guuleysto koobkii ugu horreeyey ee isagoo tababare ah kaddib afar final oo lagu garaacay, waxaana uu ciyaartan kusoo bilaabay shaxda ugu adag ee uu heli karayay.

Weerarka ayay kusoo wada bilowdeen Marcus Rashford, Edinson Cavani iyo Mason Greenwood oo afka hore ee weerarka ka wada ciyaaraya, waxaana khadka dhexe wada taagan Paul Pogba, Bruno Fernandes iyo Scott McTominay.

Laakiin difaaca ayuu dhaawac kaga maqan yahay Harry Maguire, waxaana booskiisa buuxiyey Eric Bailly oo kusoo garab bilowday Victor Lindelof, halka ay labada baalood ee difaaca kala taagan yihiin Aaron Wan-Bissaka iyo Luke Shaw.

Villarreal oo uu hoggaaminayo tababare Unai Emery ayaa isaguna kusoo bilaabay Carlos Bacca, Pinto iyo Moreno oo afka hore wadaagaya, waxaana dhexda ka taageeraya Trigueros, Capoue iyo Parejo, halka difaacana ay wada taagan yihiin Pau Torres, Pedraza, Albiol iyo Foyth.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United XI: De Gea; Wan-Bissaka, Bailly, Lindelof, Shaw; McTominay, Pogba, Fernandes; Greenwood, Rashford, Cavani.

Kaydka: Grant, Henderson, Maguire, Telles, Tuanzebe, Williams, Amad, Fred, James, Mata, Matic, van de Beek.

VILLARREAL XI: Rulli, Foyth, Albiol, Pau Torres, Pedraza, Parejo, Capoue, Trigueros, Moreno, Bacca, Pino

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More