VIDEO: Bruno Fernandes Oo Oohin La Fadhiistay Garoonka Dhexdiisa
Xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes ayaa ilmada xajisan kari waayey markii ay soo dhamaatay ciyaarii finalka Europa League ee ay guul-darradu kasoo gaadhay Manchester United, taas oo ay Villarreal kaga qaadday rikoodheyaal.
- Advertisement -
Manchester United ayaa ahayd kooxda loo saadaalinayo in ay ku guuleysanayso Europa League, waxaana haddii ay hanan lahayd ay soo afjari lahayd afar sannadood oo ay ku jirtay abaar koobab la’aan ah, laakiin kooxda tababare Unai Emery ee Villarreal ayaa rikoodheyaal 11-10 ah kaga qaadday.
Halka Man United ay koob la’aan ku dhamaysatay xilli ciyaareedka, Villarreal oo kaalinta toddobaad ka gashay horyaalka Spain ee LaLiga ayaa isku heshay koobka Europa League iyo Champions League oo ay si toos ah uga soo qayb-geli doonto xilli ciyaareedka dambe.
Kooxda reer Spain ee Villarreal ayaa qaybtii hore dhalisay gool uu u saxeexay Moreno, waxaase Red Devils goolka barbarraha u dhaliyey Edinson Cavani, iyadoo 30 daqiiqadood oo lagu daray ciyaartana ay waxba ka beddeli waayeen min halka gool ee waqtigii caadiga ahaa ay ku dhamaysteen.
Rikoodheyaal loo dhigay ayaa waxay labada kooxood tuurteen 22 jeer marka la isku-geeyo, iyadoo dhamaan ciyaartoyda labada kooxood ee garoonka ku jirtay ay wada laagteen, waxaase rikoodhihii ugu dambeeyey laga qabtay goolhaye David de Gea oo ahaa ciyaaartoygii ugu dambeeyey ee United u tuuray laadka, halka goolhaye Geronimo Rulli uu laadkiisa dhaliyey, kana qabtay De Gea.
Kaddib markii ay ciyaartu soo dhamaatay, Bruno Fernandes ayaa oohin la aamusiin kari waayey, waxaana isla markiiba la arkayay iyadoo indhihiisa ilmadu ka da’ayso oo niyad-jab garoonka dhexdiisa la taagan, ilaa uu markii dmabe tegay qolka lebbiska kooxda.
Fernandes oo ahaa kabtanka Manchester United ee kulankan maadaama uu dhaawac ahaa Harry Maguire oo uu kaydka fadhiyey, waxa uu Bruno Fernandes rajaynayay in koobkiisii ugu horreeyey uu la qaado kooxdan oo uu kusoo biiray January 2020.
26 jirkan oo Red Devils u dhaliyey 18 gool oo horyaalka Premier League ah iyo 12 caawimood, waxa markii ay kooxdiisu guul-darrada xaqiiqsatay ee ay Villarreal dabbaal-degga bilowday uu qabsaday oohin, waxaana in ay qalbiga u dejiyaan isku dayay qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda.
Halkan ka daawo oohintii Bruno Fernandes: