Rio Ferdinand Oo Doortay Afarta Daafac Dhexe Ee Hadda Ugu Wanaagsan

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa ah mid kamida dadka xogaha daafac wax laga weydiin karo kuwooda ugu wanaagsan waxaana uu hadda doortay afarta daafac dhexe ee ugu wanaagsan Premier League wakhtigan.

Ferdinand ayaa horyaalka Premier League kasoo ciyaaray 514 kulan isaga oo soo metelay kooxaha Leeds United, West Ham United, Man United iyo QPR xilli uu lix jeer kusoo baxay shaxda kooxda xilli ciyaareedka ugu fiican.

Afarta daafac ee uu Ferdinand xushay oo ku kooban kaliya qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2020-21 ayay kamid yihiin lamaanaha daafaca dhexe ee Man City ee John Stones iyo Ruben Dias.

Ferdinand ayaa sidoo kale doortay kabtanka kooxdiisii hore ee Harry Maguire iyo waliba Antonio Rudiger oo Chelsea aad muhiim ugu soo ahaa bilihii ugu dambeeyay.

Rio ayaa yidhi “Waxaan filayaa Rudiger tan iyo markii uu ciyaarayay waxa uu ahaa daafaca labaad ama saddexaad ee ugu fiican kaddib Dias iyo malaha Stones ama Maguire”

Rudiger ayaa ahaa mid uu tababarihii hore ee Chelsea ee Frank Lampard kulamo kooban adeegsaday balse wacdarro dhigayay tan iyo magacaabistii Thomas Tuchel.

28 sano jirkaas ayaa kasoo caawiyay Blues inay 19 kulan shabaq nadiif ah kala baxaan mudadaas isaga oo Sabtida toddobaadka soo socda kooxdiisa kala qayb galaya Final-ka Champions League oo ay Man City ku balansan yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More