KOOXDA SANADKA: Paul Merson Oo Shax Aanad Sinaba Ku Rumaysan Karin

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal haatana doorka khabiirnimo kaga shaqeeya kanaalka Sky Sports ee Paul Merson ayaa soo xushay shaxda uu u arko midii ugu fiicnayd xilli ciyaareedka dhammaaday ee 2020-21 horyaalka Premier League.

Merson oo ay taageerayaasha qaar ku eedeeyeen inuu isku dayayo inuu ka shax duwanaado khubarada kale ayaa ka tagay ciyaaryahano badan oo loo arko kuwo hubaal kusoo bixi doona shaxda ugu fiican ee horyaalku sida rasmiga ah usoo xulan doono.

Aan ku bilawnee goolhayaha shaxda Merson ayaa ah Schmeicel oo Leicester City booska shanaad kula dhammaystay isaga oo ka tagay Ederson Moraes, Edouard Mendy iyo Emiliano Martinez oo saddexda tartame ee ugu cad cad u ah booskaas.

Labada daafac dhexe ee shaxdan ayaa kala ah Ruben Dias oo isagu ciyaaryahanka sanadka u tartami doona iyo Konsa oo Aston Villa ka tirsan isaga oo ka tagay Wesley Fofana, Harry Maguire iyo John Stones.

Labada daafac garab ee xulashada Merson ayaa kala ah Joao Cancelo oo xilli ciyaareed fiican ku qaadanaya Man City iyo Luke Shaw oo horumar ku sameeyay Man United xilli ciyaareedkan.

Saddexda khad dhexe ayaa kala ah Mason Mount oo Chelsea ka tirsan, Jack Grealish oo ah kabtanka Villa iyo Ilkay Gundogan oo Man City muhiim u ahaa isaga oo Merson ka tagay xiddigo laga xusi karo Kevin De Bruyne iyo Bruno Fernandes.

Garbaha weerarka shaxdan ayuu Paul iska diiday Son Hueng Min, Mohamed Salah iyo Phil Foden isaga oo bedelkooda doortay Riyad Mahrez iyo xiddiga Leeds ee Raphinha halka uu doorka weeraryahanka dhexe u doortay Harry Kane.

Shaxda Paul Merson Ee 2020-21 Oo Sawir Ah