Raul Oo La Garbiyey & Midka Horreeya Allegri Iyo Conte Ee Real Madrid

Kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in Zinedine Zidane uu go’aan ku gaadhay in uu iska casilo shaqada tababarenimo ee Real Madrid oo xalay xaqiiqadii u dambaysay la helay, kooxda reer Spain ayaa kala dooranaysa labada tababare ee Talyaaniga ah ee Massimiliano Allegri iyo Antonio Conte.

- Advertisement -

Zinedine Zidane ayaa go’aan kama dambays ah ku gaadhay in uu iska casilo Real Madrid oo xilli ciyaareedkii 2019-20 uu u qaaday horyaalka LaLiga, isagoo koobkaasna ay uga sii horreeyeen saddexdii Champions League ee xidhiidhka ahaa uu kooxdaas u qaaday intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2018.

Kooxda ka dhisan caasimadda oo xilli ciyaareedkan aan wax koob ah ku guuleysanin inkasta oo illaa kulankii ugu dambeeyey ay ku dagaallamaysay in ay ka faa’iidaysato Atletico Madrid haddii ay dhibco lumin lahayd, ayaa waxa kale oo ay soo gaadhay semi-finalka Champions League.

Real Madrid ayaa  la filayaa in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo in Zinedine Zidane uu ka tegay shaqada, waxay se la filayaa in isla waqtigaas ay shaaciso tababaraheeda cusub.

Massimiliano Allegri ayaa hoggaaminaya saddexda macallin ee shaqadan lala xidhiidhinayo, laakiin cidhiidhi soo geliyey Antonio Conte oo iska casilay Inter Milan shalay oo Arbaco ahayd.

Labadan tababare ee Talyaaniga ah ayaa shaqada tababarenimo ee Real Madrid kud agaallamaya, waxaana mid walba uu yahay khabiir takhasus ah oo koobab badan kusoo guuleystay.

Allegri ayaa horyaalka Talyaaniga ku guuleystay toddoba jeer oo lix ka mid ah ay Juventus ahaayeen iyo marka toddobaad oo AC Milan uu la qaaday.

Antonio Conte ayaa isaguna horyaalka Serie A kula guuleystay Juventus iyo Inter Milan, halka horyaalka Premier League uu la qaaday Chelsea.

Halyeygii Real Madrid ee Raul Gonzalez oo ah macallinka da’yarta kooxdaas ayaa la sheegay in lagaga horreeyo shaqada kooxda koowaad oo ay u dhaxayso Conte iyo Allegri, halka isaguna uu loollanka ku jiro tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More