Miyuu Tababare Solskjaer Isku Dayay Inuu BEDEL Ku Sameeyo De Gea Xalay

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday inuu isku dayo inuu bedel ku sameeyo goolhayaha ree Spain ee David De Gea kahor rigoorayaashii ay xalay Villarreal kaga qaaday UEFA Europa League.

De Gea oo ahaa midka khasaariyay rekoodhihii guuldarrada ku keenay Man United gool-ku-laadyo cajiib ahaa oo kusoo dhammaaday 11-10 ayaa tekoodh xun ku leh badbaadinta rigoorooyinka.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in markii ugu dambaysay ee uu David rigoore badbaadiyo ay ahayd shan sano kahor afar dhammaadka FA Cup ciyaar 2016 qabsoontay markaas oo uu Romelu Lukaku ka qabtay rigoore.

Taas bedelkeeda Dean Henderson oo ahaa goolhayaha keydka ku jiray ayaa kaga rekoodh fiican xaga badbaadinaha rigoorooyinka.

Hendo ayaa xilli ciyaareedkii hore rigoore ka qabtay weeraryahanka Man City ee Gabriel Jesus halka uu sidoo kale xulka England ee 21 sano jirada ka yar sanadkii 2019 kusoo saaray rigoorayaal tartan Euro ah isaga oo sidoo kale kulamada isreeb-reebka horyaalka League one rigoorayaal guul kusoo gaadhsiiyay kooxdiisii wakhtigaas sanadkii 2018.

Si kastaba, Ole oo ciyaarta kaddib qirtay inuu ku fikiray inuu bedelo De Gea ayaa go’aansaday inuu isaga ku adkaysto oo uu Alex Telles iyo Juan Mata ka dhigo bedelkiisa ugu dambeeya daqiiqadii 121-aad ee ciyaarta iyaga oo muujiyay kalsoonida uu siiyay maadaama ay labaduba rigoorayaashii ugu horreeyay dhaliyeen.

Solskjaer ayaa kulanka kaddib yidhi “Waxaad maraysaa xaalad kasta, dabcan, maskaxdayda ayayna kusoo dhacday markii aanu isku diyaarinaynay kulanka (Rekoodhka De Gea ee rigoorayaasha) laakiin waxaanu ahayn kuwo ku kalsoon David oo diyaar ah”

“Waxkasta ayaa dhici kara rigoorayaasha dhexdooda, waxaan ku adkaystay goolhayaha kulanka oo dhan ciyaaray, waa inaan idhaahdo gool-ku-laadyadii waxa ay ahaayeen kuwo tayo sarre leh”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More