Waa Kuma Xiddiga Villarreal Ka Tirsan Ee Guushii Man United Ay Ka

Daafaca bidix ee kooxda Villarreal ahna ciyaaryahankii hore ee Liverpool ee Alberto Moreno ayaa ku maadsaday kooxda Manchester United kaddib markii ay kaga guuleysteen UEFA Europa Leagua ciyaartii xalay ka dhacday magaalada Gdansk.

Moreno ayaa ahaa mid bedel ku yimid ciyaarta isaga oo kasoo baxay waajibaadkiisii rigoorada maadaama oo uu dhaliyay rigoorihii uu qaatay.

Kaddib markii ay goolal dhaliyeen Gerard Moreno iyo Edinson Cavani, labada kooxood ayaa 22 rigoore isku laagay iyadoo ugu dambayn United lagaga adkaaday rigooradii laga qabtay goolhaye David De Gea.

Guushaas oo ahayd mid koobkii ugu horreeyay ee Yurub ah u gacan gelisay Villarreal ayaa uu Moreno kula dabaaldegay dadka kala socda barta Instagram isaga oo muuqaal toos ah “Live” bilaabay.

Inta uu socday muuqaalkaasi Moreno oo 141 kulan usoo ciyaaray Reds intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2019 kulana soo guuleystay Champions League ayaa yidhi odhaahda caanka ah ee kooxdiisii hore ee “You Will Never Walk Alone” isaga oo sidoo kale u sheegay jamaahiirta Man United inay ka baxaan meesha.

Sidoo kale khadkii dhexe ee hore ee Liverpool ee Lucas Leiva ayaa u hambalyeeyay Moreno isaga oo bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “Hambalyo walaalka yar”

Moreno ayaa hadda ah xiddig saddex kooxood oo kala duwan kula guuleystay koob Yurub ah waxaana uu rekoodhkaas la wadaagaa halyeeyo hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More