Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

WARBIXIN: 624 Xiddig Oo Ka Qayb-gelaya EURO 2020, Kooxaha Ciyaaryahanadda

24ka waddan ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya, waxa mid walba uu haystaa 26 ciyaartoy, taas oo tirada guud ee xiddigaha kasoo muuqanaya tartankan ka dhigaysa 624, waxaanay tiradani halkan gaadhay markii ay UEFA beddeshay tirada loo ogol yahay waddamada ka qayb-gelaya tartankan.Sharciga ayaa hore u dhigayey in 23 ciyaartoy uu waddan kastaa soo magacaabo, laakiin Fayraska Korona dartii iyo halista ay ciyaaryahannadu ugu jiraan inuu ku dhaco oo ay karantiil galaan ayaa sababtay in UEFA ay tirada…

Sharcigii Muranka Dhaliyey Ee Kubbadaha Sida SHILKA Ah Gacanta Ugu

Goolasha ka dhasha tartanka Euro 2020 meesha lagama saari doono haddii ay kubaddu si shil ah ama kama’ ah gacanta ugaga dhacdo weeraryahanka goolka dhalinaya, sida UU shaaciYay xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA.Xilli ciyaareedkii hore, sharcigan ayaa muran badan dhaliyey, waxaana uu dhigayay in kubbad kasta oo gacanta kusoo dhacda waqtiga ay kubadda soo dhisayaan kooxda weerarka ah, aan la siinayn gool haddii ay awoodaan inay dhaliyaan, taas oo dad badan ay saluug ka muujiyeen.Arrintii ugu caansanayd ee xilli…

“Xabaasha Ayuu Johan Cruyff Kasoo Bixi Lahaa Cadho Darteed, Haddii Uu

Dhalleecayn badan ayaa ka dhalatay kulankii barbarra 2-2 kusoo dhamaaday ee xulka qaranka Netherlands iyo Scotland, waxaana tababare De Boer lagu canaanayaa shaxda iyo taatikadii uu kulankaas  ku dheelay.Tababaraha Frank de Boer ayaa ku ciyaaray qaab ahaa 5-3-2 oo uu awoodda saaray khadka difaaca, waxaanu ku mutaystay canaan badan iyadoo lagala hormaray laba gool balse uu badbaadiyey Memphis Depay oo labada goolba u dhaliyey.Netherlands oo ka mid ahayd kooxaha laga dheegto kubadda cagta, laguna yaqaano qaab ciyaareed…

Manchester United Oo Rikoodhka Iibka Ciyaaryahanadda Ingiriiska Jabinaysa

Kooxda kubadda cagta Manchdster United  ayay tahay in ay jabiso rikoodhkii u yaallay iibka ciyaartoyda ee kooxaha ka dhisan guud ahaan Britain, haddii ay doonayso in ay lasoo saxeexato xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo ka tirsan Borussia Dortmund.Manchester United oo uu saamayn ku yeeshay Fayraska Korona ayaa sannadkii hore waxay u dhowaatay in ay £108 milyan oo Gini kula soo wareegto Sancho, laakiin labada kooxood ayaa xilli dambe isku afgaran waayey saayiraad ay dalbanaysay Red Devils, hase yeeshee mar kale ayey Red…

Premier League Oo Loogu Baaqay In Ciqaab Iyo Ganaaxyo Lagu Soo Rogo

Maamulka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa loogu baaqay in ciqaab lagu soo rogo kooxda kubadda cagta Liverpool kaddib ficilladeeda sii muuqda ee isku-dayga tartankii fashilmay ee Super League.Liverpool ayaa ka mid ahayd lix kooxood oo Ingiriis ah oo qayb ka ahaa qorshihii lagu sameeyey Super League oo si degdeg ah ula kulmay kacdoono iyo mudaharaadyo kaga yimid taageereyaasha, taas oo keentay in ay sagaal ka mid ah 12ka kooxood ka laabtaan qorshahaas.Halyeygii Manchester United ee Garry Neville ayaa se ku…

How Jose Mourinhos AS Roma could line up during the 2021/22 season

Everything still feels like a strange dream, but Jose Mourinho is the new manager of AS Roma. The timing of the announcement means that the shockwaves have subsided, but they will only be regenerated when the Portuguese coach sinks his teeth in the transfer market. There is a lot of work to be done on this Giallorossi side, but the former Tottenham Hotspur coach also has some exciting talents to shape and hopefully will not be ridiculed in oblivion. Rome's new owners will also be looking for a statement in the summer window,…

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaaliyey Tartanka Qaramada Yurub, England

Supercomputer ayaa soo saaray saadaasha tartanka Jimcaha bilaabmaya ee qaramada qaaradda Yurub ee Euro 2020, waxaana uu rajo la’aan ka dhigay xulka qaranka England ee ka mid ah dalalka aadka loogu saadaalinayo. England ayaa soo gaadhay semi-finalka Koobkii Adduunka 2018 ee lagu qabtay RUushka, waxaana uu sannadkan tababare Gareth Southgate soo xushay ciyaartooyo da’yar oo cajiib ah, tayadoodana aad loo amaanayo. Dhamaan 26ka ciyaartoy ee xulka ayaa ah xiddigaha ugu cadcad Premier League iyo tartamada kale ee ay ka…

David De Gea Oo Weerar Ku Qaaday Kooxdiisa Manchester United Xilli Uu

Goolhayaha xulka qaranka Spain ee David de Gea ayaa  weerar ku qaaday kooxdiisa Manchester United xilli uu ku sugan yahay waddankiisa Spain oo uu isku diyaarinayo ka qayb-galka tartanka qaramada Yurub.De Gea ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada, waxa uu ku canaantay Manchester United oo uu sheegay in ay si xun ula dhaqantay goolhayaha reer Argentina ee Sergio Romero oo shalay ay United ku dartay liiska ciyaartoyda ay fasaxday ee xagaagan sida xorta ah ku tegaya.Romero oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka bishan…

Jose Mourinho Oo Karbaashay Gareth Bale: “Sidee Ayuu Ahaa

Jose Mourinho ayaa weerar ku qaaday xiddiga reer Wales ee Gareth Bale, waxaanu sheegay in aanu garoomada la imanin wax lagu xasuusto oo bandhig wanaagsan ah sannadihii ugu dambeeyey.Tababaraha reer Portugal ayaa ku layliyey Bale kooxda Tottenham sannadkii ugu dambeeyey ka hor intii aan shaqada laga caydhin xilli ciyaareedkii tegay oo sii dhamaanaya, hase yeeshee waxa Mourinho lagu xasuustaa in uu Bale ku hayay kaydka, fursado yar oo koobanna uu siiyey inkasta oo waqtiga  intiisa badan uu dhaawac ahaa.Mourinho ayaa dib ugu…

Maxaa Ka Dhacay Xerada Tababarka Xulka Qaranka England Maanta Oo Sabti

Xarunta tababarka xulka qaranka England ayaa ahayd mid jawi farxadeed ka jirtay maanta oo Sabti ahayd, sababtoo ah, waxa kusoo laabtay ciyaartooyo ka farxiyey tababare Gareth Southgate, kuwaas oo hore shaki loo gelinayay heerkooda taam ahaansho iyo fursadda ay u heli karayaan in ay diyaar ugu noqdaan tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya.Xiddiga khadka dhexe ee Jordan Henderson ayaa tababarka buuxa kusoo laabtay maanta, waxaanu ciyaartoyda kale ee xulka la sameeyey jimicsiyadii kala duwanaa, sida orodka, iyadoo ugu…