Muxuu Mikel Arteta Ka Yidhi Saxeexa Cusub Ee Ben White, Lambarkee Ayuu

Mikel Arteta ayaa amaanay saxeexa cusub ee Arsenal ee Ben White oo uu ku tilmaamay ‘difaacii dhexe ee qorshaha muddada dheer ee Arsenal’, kaddib markii uu laacibkan si rasmi ah usoo cago-dhigtay Emirates Stadium.

Gunners ayaa maanta oo Jimce ah waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa White oo 23 jir ah oo ay £50 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Brighton.

Tababare Mikel Arteta oo ka hadlay madashii lagu soo bandhigay laacibkan ayaa uu yidhi: “Ben waxa uu noo ahaa bartilmaameedka ugu sarreeya, waanay wanaagsan tahay in aanu dhamaystnay saxeexiisa. Ben waxa uu wax kusoo bartay laba kooxood oo aad u wanaagsan, Brighton iyo Leeds, xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyey.

“Waxa uu si fiican uga soo faa’iidaystay laba tababare oo aad u wanaagsan, waxaanu muujiyey hibadiisa xooggan markii uu joogay Brighton iyo waqtigii amaahda ee Leeds.”

Mikel Arteta oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey: “Ben waa difaac cagli badan oo aad ugu raaxaysta marka ay kubaddu lugtiisa ku jirto iyo qaabkiisa oo ku habboon kooxdayada. Dabcanna, wali wuu yar yahay, da’diisa iyo xirfaddiisuna waxay ku habboon yihiin waxa aanu halkan ku dhisayno.

“Waxa aanu rajaynaynaa in Ben uu noqon doona difaacyaga dhexe ee mustaqbalka iyo qorshaha waqtiga dheer.”

Ben White ayaa waxa uu Arsenal u xidhan doonaa No.4 oo markii ugu dambaysay uu xidhnaa Willian Saliba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More