Muxuu Frank Lampard Ka Yiri Guushii Weyneyd Ee Ay Man United
Tababare Frank Lampard ayaa qirtay in Manchester United ay u tahay tijaabo weyn kooxdiisa Chelsea Sabtida ka dib guul weyn oo ay ka soo gaareen Paris Saint-Germain kulankii Champions League ee xalay.
- Advertisement -
Chelsea ayaa barbaro goolal la’aan ah la soo gashay Seville xalay iyadoo goolhaye Edouard Mendy uu fursad fantastik ah ka beeniyay Nemanja Gudelj iyadoo kulan adag uu ka dhacay Stamford Bridge.
Dhanka kale kooxda Red Devils ayaa seddex dhibcood ka qaadatay kooxdii gaartay finalka Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay iyagoo ku garaacay 2-1 kulankii ka dhacay Paris ka dib markii uu Marcus Rashford uu dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 87aad.
Labada kooxood ee Man United iyo Chelsea ayaa isku arki doona Old Trafford maalinta Sabtida iyadoo Lampard uu filanayo kulan adag oo muhiim u ah kooxdiisa iyadoo Chelsea iyo United ay haatan ku kala jiraan kaalimaha sideedaad iyo 15aad.
Markii la weydiiyay haddii Chelsea ay cashar ka baran doonta qaab ciyaareedkoodii Sevilla ka hor kulanka Old Trafford, Lampard ayaa u sheegay BT Sport: “Manchester United iyagaba wax badan ayay ka qaadan doonaan kulankoodii caawa, natiijo aad u fiican ayay heleen.
“Waan ku qasbanahay inaan wax ka barano kulankii caawa, waa xilli ciyaareed dheer, waxaana joognaa qeybihii hore ee xilli ciyaareedka.
“Sida aan sheegay ciyaarta ka hor, sannadkii hore kulankaan oo kale waxaa naga badisay Valencia sidaasi darteed ku bilaabashadeena xilli ciyaareedka Champions League waa ay ka fiican tahay sidii hore, waxay ina siineysaa kalsooni iyadoo group-ka uu adkaan doono, si kasta oo aad u eegto.
“Laakiin haatan kulamada horyaalka ayaa ina sugaya… Manchester United waa tijaabo weyn iyagoo natiijo aad u fiican soo helay laakiin waa inaan kalsooni ku wajahno”