Muxuu Ahaa Codsigii Uu Ole Gunnar Solskjaer Ka Diiday Saxiixa Cusub

Ole Gunnar Solskjaer ayaa si cad u diiday codsigii Jadon Sancho ee ahaa in la siiyo maaliyada No.7 ee Manchester United.

United ayaa heshiis 72.1 milyan ginni kula soo saxiixatay xiddiga Ingariiska oo todobaadkii la soo dhaafay ka soo wareegay Borussia Dortmund.

Laakiin sida ay sheegtay jariirada Daily Mail, ku dhawaaqista heshiiska Sancho waxaa dib u dhigay codsiga xiddiga garabka ka dheela oo dalbaday maaliyada No.7

Sancho ayaa maaliyada No.7 lagu wareejiyay durbadii uu ku biiray Borussia Dortmund markii uu ka soo wareegay Manchester City sannadkii 2017.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in Solskjaer uu diiday inuu weydiistay Edinson Cavani inuu iska dhiibo maaliyada No.7 si loo fuliyo codsiga Sancho.

Taas bedelkeeda Sancho waxaa lagu qasbay inuu qaato maaliyada No.25, taasoo banaaneyd ka dib markii uu Odion Ighalo uu ka tagay Old Trafford bishii Janaayo.

Isagoo hadlayay ka dib kulankii ay Man United guuldarada 4-2 ka soo gaartay ee saaxiibtinimo maalintii Sabtida, Solskjaer ayaa sheegay in kooxda ay la soo saxiixatay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican England.

“Waa talaabo weyn oo aan qaadnay” ayuu yiri Solskjaer.

“Waxaan xiddigaan xiiseyneynay muddo aad iyo aad u dheer. Waa weeraryahan leh hal abuuris iyo farsamo shaqsiyadeed. Sannado badan oo uu wacdarro dhigayo ayaa ka horeeya.

“Saxiixiisa waxay taageerayaasha tuseysaa sida aan u dooneyno inaan kooxda u horumarino. Waxaan heysanaa weeraryahanada ugu fiican England ee 10ka ilaa 12 sannadood ee soo socda.

“Waxaan heysanaa Marcus Rashford oo 23 sanno jir ah, Mason Greenwood oo da’ yar ah, sidaasi darteed waxaan heysanaa udub dhexaadkii England. Weerarkeena aad ayuu u fiican yahay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More