Miyuu Donny van de Beek Heli Doonaa Boos Joogto Ah? Ole

Tababaraha Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka jawaabay su’aashii ay jamaahiirta Red Devils is weydiinayeen ee la xidhiidhay waqtiga uu saxeexdooda cusub ee Donny van de Beek uu ka mid noqon doono shaxda koowaad, kaddib wacdarihii uu ka dhigay kulankii Newcastle United ee Sabtidii ee  uu beddelka kusoo galay.

Manchester United ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaartii St James’ Park dhalisay saddex gool xilli loo badinayay inay ku dhamaan doonto 1-1 oo ay mar kale Red Devils guul la’aan ahaan doonto.

Saamaynta ugu weyn ee ciyaarta waxa keenay Van de Beek oo soo galay iyadoo 14 daqiiqadood oo kali ka hadhsan yihiin dhamaadka ciyaarta, waxaana uu qayb ka qaatay bandhiggii fiicnaa iyo qaabkii ay xiddigaha kooxdu awoodda ugu yeesheen inay jabiyaan difaacii inta badan ee ciyaarta kusoo hayay barbarraha.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay waxa la weydiiyey waqtiga uu Donny van de Beek heli doono boos uu ugu soo bilowdo ciyaarta, waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu saamayn badan ku yeeshay ciyaarta, isla markaana uu yahay laacib aanay kubaddu ka lumin oo booskiisa heli doona.

“Waxay ila tahay in maanta aad aragteedn iyo tababarka, waa ciyaartoy aad u habaysan oo dhawrsoon, umana malaynayo in kubaddu ay marna ka luntay.” Ayuu yidhi Solskjaer.

Tababaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay qiil u yeelay sababta uu laacibkan ugu soo bilaabi waayey, waxaanu yidhi: “In la helo dheelitirnaanta kooxda ayuun bay ahay. Waxa aanu maanta ku guuleysanay 4-1, waxaanad i weydiinaysaan sababta aan ciyaartoy ugu soo bilaabi waayey. Saamayn aad u wanaagsan ayuu ku lahaa kooxda.”

Van de Beek oo ay Manchester United £40 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Ajax ayaa goolkiisii ugu horreeyey u dhaliyey Red Devils kulankii Crystal Palace ay sida xun ugu garaacday ee furitaankii xili ciyaareedka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More