Midkee Guuleysan Doonta Real Madrid iyo Liverpool? – Rafa Benitez Oo

Tababarihii hore ee kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ee Rafa Benitez ayaa ka hadlay kulanka adag ee Salaasada ay ku ballansan yihiin labadiisa kooxood ee hore, waxaanu shaaciyey in ay jirto hal faa’iido oo ay is dheer yihiin.

- Advertisement -

Liverpool ayaa u safartay waddanka Spain oo ay garoonka Alfredo di Stefano habeen dambe kula ciyaari doonto Real Madrid lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League, halka ciyaarta labaadna ay Arbacada toddobaadka dambe ay ku qaabbilayso Anfield.

Real Madrid iyo Liverpool oo finalkii 2018kii wada ciyaaray, isla markaana ay Los  Blancos koobka ku qaadday ayaa waxa isku-dhacooda xilli ciyaareedkani uu yahay mid koox walba u go’aaminaya sida uu noqonayo xilli ciyaareedkoodu.

Rafa Benitez oo wax laga weydiiyey kulankan ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Real Madrid ay haysato hal faa’iido oo ay dheer tahay Liverpool,  taas oo ah taageereyaal la’aanta, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in Real Madrid ay faa’iido u tahay in garoomo madhan lagu ciyaaro. Jawiga Anfield wax badan ayuu siiyaa Liverpool, waxaanu sii badan yahay markay ciyaarayaan tartamada Yurub.”

Mar la weydiiyey kooxda guuleysan doonta ee u gudbaya semi-finalka ayaa yidhi: “Labada kooxoodba way fiican yihiin, mana arkayo koox aan ku tilmaamo in ay soo gudbayso.”

Liverpool ayaa rajada kaliya ee ay xilli ciyaareedkan leedahay uu yahay tartanka Champions League iyadoo ka hadhay tartamadii maxalliga ahaa oo dhan, isla markaana ka maqan saaxadda afarta sare ee horyaalka Premier League.

Real Madrid ayaa iyaduna xilli ciyaareedkan kusoo dhibaatootay qaybtiisii hore, taas oo keentay in xataa shaki la geliyo mustaqbalka Zinedine Zidane, hase yeeshee dib ayay kasoo noolaatay, waxaanay saddex dhibcood u jirtaa kooxda hoggaanka  horyaalka haysa, halka ay Champions League soo gaadheen wareegga siddeedda oo ay kala calaf-qaadayaan Liverpool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More