Man United Oo Si Rasmi Ah 40 Milyan Ugu Iibsatay Xiddig

Manchester United ayaa si rasmi ah 40 milyan euro ugu iibsatay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee kooxda Atalanta Amad Diallo laakiin waxaa ku xiran sharuud ah inay kaliya la wareegi karaan bisha Janaayo.

Man United ayaa xiddigaan 18 jirka ka ciyaara garabka midig ku iibsatay 25 milyan euro oo kaash ah iyo 15 milyan euro oo ku xiran qaab ciyaareedkiisa.

Warbixin ay Man United soo dhigtay bogeeda Twitter ayaa lagu yiri:

“Waxaan heshiis kala gaarnay Atalanta saxiixa mustaqbalka Amad Diallo taasoo ku xiran tijaabada caafimaadka, heshiiska shaqsiga iyo ogolaanshaha shaqo.”

? We have reached an agreement with Atalanta for the future transfer of Amad Diallo, subject to a medical, personal terms and work permit. ?#MUFC

— Manchester United (@ManUtd) October 5, 2020

Saxiixa Amad Diallo oo loo arko xiddig mustaqbal leh ayaa ah mid dhaqangalaya bisha Janaayo markaasoo uu xiddigaan u soo wareegi doono Old Trafford.

Wuxuu noqonayaa saxiixii seddexaad ee ay xagaagan sameysay Manchester United ka dib Donny van de Beek oo ay ka soo iibsadeen Ajax iyo daafaca bidix Alex Telles oo ay maanta ka soo iibsadeen FC Porto.

Man United waxaa weli u harsan inay dhameystirto saxiixa weeraryahanka 33 sanno jirka Edinson Cavani oo si xor ah ugu soo wareegaya ka dib markii uu xagaagan ka tagaya Paris Saint-Germain,.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More