Ma Rumaysan Kartid Falcelinta Kylian Mbappe Markii Uu Isku Dayay

Da’yarka garabka weerar ee xulka France ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo warramayaa inuu diiday raali-gelin uu ka helay weeraryahanka xulkiisa ee Olivier Giroud kaas oo ay isku xumaadeen intii uu socday kulankii ay Bulgaria 3-0 uga adkaadeen.

Giroud ayaa bedel kusoo galay kulanka isaga oo 2 gool soo dhaliyay, si kastaba ciyaaryahankaas ayaa saxaafada horteeda ka sheegay hadalo adag kulanka kaddib isaga oo sheegay inuusan ku faraxsanayn tirada baasaska uu ka helo asxaabta kooxdiisa.

Olivier ayaa wakhtigaas yidhi””Mararka qaar waad ordaysaa kubadduna kuma soo gaadhayso, waxaan rajaynayaa inaanu sidaas si ka fiican isku heli lahayn”

Mbappe ayaa la sheegay inuu doonayay inuu saxaafada kahor hadlo ciyaarta kaddib si uu ugu jawaabo Giroud oo saluugsanaa baasaska uu ka helayay balse tababare Didier Deschamps ayaa kahor istaagay.

RMC Sport ayaa sheegaya in Olivier Giroud uu isku dayay inuu raaligeliyo Mbappe intii uu socday tababarkii xulka ee Khamiistii shalay balse 22 sano jirkaas ayaa ku gacan saydhay.

Tababare Didier Deschamps ayaa la sheegayaa inuu labada xiddig iskugu yeedhay si uu u dhex galo isaga oo ka cabsi qaba saamaynta isku dhacoodu ku yeelan karo xulkiisa tartanka Euro inta lagu jiro.

Jamaahiirta xulkaas ayaa Mbappe ku sifeeyay mid u riyaaqsan Karim Benzema oo dhawaan xulka dib loogu wacay taasina ay tahay sabab uusan aad ugu faraxsanayn Giroud.

Mbappe ayaa loogu baaqay inuu ixtiraamo Giroud maadaama oo uu yahay halyeey xulka Les Bleus ah isla markaana uu kaliya shan gool u jiro rekoodhka gool dhalinta abid xulkaas ee uu Theirry Henry haysto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More