Skip to content
Saturday, October 31, 2026 19 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:42
Muqdisho 30°C
Breaking: Kenya, Russia Agree to Halt Recruitment of Kenyans Into Russian Military
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports Af-Soomaali

Liverpool Oo Qarka U Fuushay Saxeexa Cristiano Ronaldo &

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
1602674351_Ronaldo-1

Kooxda ree England ee Liverpool ayaa la sheegayaa inay ahayd mid aad ugu kalsoon inay saxeexa Cristiano Ronaldo ku garaacday dhammaan kooxaha waaweyn ee Yurub sanadkii 2003 kahor intii aysan kooxda ay xifaaltamaan ee Man United kaga guuleysan.

Sir Alex Ferguson ayaa deg-deg ugu dhaqaaqay saxeexa Ronaldo oo markaas da’yar Sporting Lisbon ka tirsan ahaa isaga oo 12.2 Milyan Pound kasoo bixiyay saxeexiisana kaga guuleystay kooxo ay kamid ahaayeen Barcelona, Arsenal iyo Juventus.

Laakiin war haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Liverpool ay aaminsanayd inay dhammaystirtay inta badan ee heshiiska Ronaldo ay ku doonaysay wakhtigaas.

Arrinta layaabka leh ee qandaraaska ay Liverpool ugu dhawaatay saxeexa Ronaldo ayaa ah in kaliya 4 Milyan oo Pound laga siinayay waliba loo ogolaa inay afar sano oo kala duwan lacagta bixiso oo ay sanadkiiba 1 Milyan Pound dhiibto.

Tababare ku xigeenkii Liverpool ee xilligaas ee Phil Thompson oo sheekadan ka warramayay ayaa sheegay in Ronaldo uu 1 Milyan Pound sanadkii mushahar ahaan u doonayay sidaasna uu u sheegay wakiil Tony Henry.

Thompson oo ka warramaya sidii ay wax u dhaceen ayaa The Athletic u sheegay “Wali waan xasuusan karaa erayadii saxda ahaa ee Tony”

“Waxa uu ahaa heshiis aad u wanaagsan oo nafis leh ‘Waa afar Milyan oo Pound waxaana la bixin karaa afar sano oo heshiiskiisa ah, 1 Milyan sanadkii”

“Taasi waxa ay u muuqatay mid aad u macquul ah, kaddib waxaan wax ka weydiiyay mushaharka Tony-na waxa uu ii sheegay inuu ahaa 1 Milyan Pound sanadkii”

Liverpool ayaa kaddib wadahadaladaas aaminsanaa inay heshiis 4 Milyan oo Pound ah la gashay Ronaldo walow aan heshiiska shaqsiga ah la isla meel dhigin.

Laakiin waxkasta ayaa deg-deg isku bedelay waxaana loo sheegay in Ronaldo uu u duulay dhinaca Man United oo ka bixisay saddex-jibaarka lacagtii ay ku doonayeen.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes