Liverpool Oo Koox Kale Iibsaneysa, Alaba & Pogba Oo Camp Nou
Inkastoo suuqa kala iibsiga Yurub uu xirmay dhawaan hadana waxaa weli furan suuqa maxaliga ee dalka Ingariiska oo xirmaya 16ka bishaan October halka suuqa kala iibsiga Yurub ee bisha Janaayo ay kaliya inaga xigto labo bilood.
- Advertisement -
Kooxaha ayaa durbaba isha ku haya xiddigaha ay doonayaan bisha Janaayo ama xagaaga soo socda, shabakada Laacib ayaa halkaan idiin kugu soo koobeysa wararkii ugu waa weynaa ee ay qoreen wargeysyada Yurub.
Shirkada Fenway Sports Group oo ah milkiilayaasha kooxda Liverpool FC ayaa doonaya inay koox kale oo Yurub ka dhisan oo kubada cagta ah iibsadaan iyagoo doonaya inay noqdaan boqortooyo isboorti. (The Times)
Arsenal, Liverpool iyo Manchester United ayaa ah seddex kooxood oo Premier League ka dhisan kuwaasoo xiiseynaya saxiixa xiddiga da’da yar ee kooxda Sporting Lisbon ee Nuno Mendes. (Daily Express)
Xiddigaha khadka dhexe ee Faransiiska Paul Pogba ayaa weli heysta taageerada qolka labiska Manchester United inkastoo uu ka hadlay inuu jecel yahay inuu u ciyaaro Real Madrid. (Manchester Evening News)
Barcelona ayaa isku diyaarineysa inay la soo wareegto labo xiddig oo waa weyn oo kala ah ciyaaryahanka Man United Paul Pogba iyo xiddiga kooxda Bayern Munich David Alaba. (Mundo Deportivo)
Goolhayaha reer Argentina ee Manchester United Sergio Romero ayaa doonaya in la kansalo qandaraaskiisa kooxda dhamaadka bishaan, wuxuuna xiiseynayaa inuu u wareego horyaalka Mareykanka ee Major League Soccer. (The Sun)
Crystal Palace ayaa ku dhow inay heshiis waqti kooban kula soo wareegto daafaca midig Nathaniel Clyne oo 29 jir ah kaasoo xor ah ka dib markii uu ka tagay Liverpool xagaagan. (The Athletic)
Kooxaha Cardiff iyo Swansea ayaa u tartamaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Liverpool iyo xulka Wales, Harry Wilson oo 23 sanno jir ah iyadoo ku doonaya heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah. (Wales Online)
Xiddiga khadka dhexe ee Man United Juan Mata oo 32 sanno jir ah ayaa iska diiday dalab uu isbuucii ku qaadanayo 200 kun ginni oo ay u soo gudbisay koox ka dhisan dalka Sacuudi Areebiya. (Sport)
Daafaca 21 sanno jirka ee kooxda Sevilla, Jules Kounde ayaa diirada u saaran Manchester United kuwaasoo doonaya inay u dhaqaaqaan bisha Janaayo. (ESPN)
Xiddigii hore ee Manchester City iyo Liverpool Mario Balotelli oo 30 sanno jir ah ayaa koox cusub u saxiixi doona isbuucyo gudahood ka dib markii uu ka tagay kooxda Brescia. (Goal)