Skip to content
Tuesday, November 24, 2026 13 Jumada al-Thaniyah 1448 AH Asr 15:10
Muqdisho 29°C
Degdeg Final Verdict Expected in Senegal-Morocco AFCON Title Dispute
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports Af-Soomaali

Khabiirka BBC Oo Saadaaliyay Kulamada Isbuuca 5aad Ee

Follow
Lawro

Khabiirka BBC Sport Mark Lawrenson ayaa saadaaliyay kulamada isbuuca shanaad ee xilli ciyaareedka horyaalka Premier League oo bilaabanaya maalinta Sabtida islamarkaana la soo gabagabeynayo habeenka Isniinta.

Kulamo xiiso badan ayaa la ciyaarayaa maalinta Sabtida iyadoo shanta kooxood ee ugu waa weyn horyaalka ay ciyaarayaan dhamaantood maalinta Sabtida.

Mid ka mid ah kulamada ugu adag Sabtida waa kulanka Merseyside Derby ee ka dhici doona garoonka Goodison Park markaasoo Liverpool ay booqan doonto kooxda hogaamineysa horyaalka ee Everton.

Lawro ayaa saadaaliyay in Liverpool ay taako kala kulmi doonto deriskooda isagoo saadaaliyay inay ciyaartaan ku dhamaaneyso barbaro 1-1 ah.

Chelsea ayaa iyagana Stamford Bridge ku soo dhaweyneysa kooxda Southampton, wuxuuna Lawrenson saadaaliyay in Blues ay 2-1 ku duban doonto kooxda Saints.

Kulanka ugu adag isbuuca wuxuu dhexmarayaa Sabtida kooxaha Manchester City iyo Arsenal iyadoo ciyaartaan ay ka dhici doonto Etihad Stadium.

Lawro wuxuu ka bixiyay saadaal lama filaan ah isagoo saadaaliyay in todoba gool la iska dhalin doono kulankaan oo ay Man City 5-2 ku xasuuqi doonto Gunners.

Isla Sabtida Man United waxay marti u noqoneysaa Newcastle United iyadoo Lawro uu saadaaliyay in Red Devils ay ka soo kabsan doonto guuldaradii Tottenham islamarkaana ay 2-1 ku garaaci doonto kooxda Newcastle.

Saadaasha Lawrenson ee Premier League:LawroSABTIDAEverton v Liverpool1-1Chelsea v Southampton2-1Man City v Arsenal2-5Newcastle v Man Utd1-2AXADASheff Utd v Fulham2-0Crystal Palace v Brighton1-1Tottenham v West Ham2-1Leicester v Aston Villa2-0ISNIINTAWest Brom v Burnley0-1Leeds v Wolves2-1

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes