Iska Illow Donny van De Beek, Alex Telles & Matic, Xiddigga Weyn Ee

Manchester United ayaa qoomamaynaysa heshiiskii ay la gashay mid ka mid ah xiddigaheeda waaweyn ee ka mid ah kuwa ugu guulaha badan safka  hadda uu tababare Ole Gunnar Solskjaer hoggaamiyo.

United oo ku jirta suuqa iibka ciyaartoyda ayaa ku dedaalaysa sidii ay ula soo wareegi lahayd ciyaartooyo ay isku xoojiso, laakiin dhinaca kale waxa jooga ciyaartooyo badan oo kale oo qaarkood kasoo laabteen amaah oo tirada iyo kharashka uun ku kordhinaya.

Red Devils oo ay ugu dambaysay horyaalka Premier League oo ay ku guuleysato sannadkii 2013 oo ahayd waqtigii uu Sir Alex Ferguson kasii fadhiisanayay shaqada tababarenimo, ayaa waxay sannadihii u dambeeyey samaysay saxeexyo badan oo qaarkood aanay kooxdaba la qabsanin sida Donny van de Beek oo xagaagii hore yimid.

Laakiin kubbad-sameeyahani ma aha midka walwalka ku haya, sababtoo waxa jira ciyaartoy kale oo ay ka qoomamoonayaan heshiiskiisa.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic ee looga dambeeyo xogta ciyaaraha, Manchester United waxay isku aragtaa in ay qalad samaysay, isla markaana ka qoomamoonaysaa heshiiskii cusbaa ee sannadkii 2019 ay ka saxeexday goolhayaha reer Spain ee David de Gea.

Wargeysku waxa uu sheegay in goolhayahan oo laba sannadood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa United, uu kooxdiisa walwal weyn ku hayo mushaharkiisa xad-dhaafka ah oo toddobaadkii uu ku qaato £375,000 Gini.

Heshiiskii uu 2019 saxeexay De Gea ayaa u dammaanad-qaadayay lacag gaadhaysa £75 milyan oo Gini oo uu helayay inta u dhaxaysa 2019 illaa 2023.

De Gea ayaa ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan horyaalka Premier League ka hor inta aanu bilowga xilli ciyaareedkan heshiiskii cusbaa ee Man City ay la gaadhay Kevin de Bruyne oo uu usbuucii ku qaadanayo £385,000 Gini.

Si kastaba, David de Gea ayaa xilli ciyaareedkii hore kaydka uu geliyey tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ka doorbiday Dean Henderson inkasta oo waqti dambe uu kusoo celiyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More