Imisa Lacag Ah Ayey Chelsea Hes hay Kaddib Guushii Ay Xalay Ka Gaartey

Chelsea ayaa lacag badan ku heshay guushii ay xalay ka gaadhay Actual Madrid ee ay ugu soo gudubtay finalka Champions League ee ay dhamaadka bishan Might la ciyaari doonto Manchester Metropolis oo iyaduna soo reebtay PSG.

Tababare Tuchel ayay kooxdiisu guul weyn oo ay u qalmaysay ay ka gaadhay Actual Madrid oo ay 2-0 ku garaacday garoonka Stamford Bridge iyadoo ciyaartii hore ee toddobaadkii hore ee magaalada  Madrid na ay ku kala baxeen barbarro 1-1 ah.

Blues ayay u tahay markii u horreysay ee ay gaadho finalka Champions League tan iyo sannadkii 2012 oo ahayd waqtigii ay koobkan ku guuleysteen.

Laakiin Manchester Metropolis ayaan waligeed gaadhin finalka, waana markii ugu horreysay ee ay kulanka ugu dambeeya Champions Legue tagaan, waxaanay labadan kooxood ee reer England ku kala bixi doonaan garoonka Ataturk Olympic Stadium ee magaalada Istanbul ee waddanka Turkey.

Haddaba lacag intee le’eg ayay Chelsea ku heshay guushii ay xalay ka gaadhay Actual Madrid ee ay ugu gudubtay finalka Champions League?

Chelsea ayaa heli doonta lacag dhan €15 milyan oo Euro oo lagu siinayo guushii xalay ay ka gaadhay Actual Madrid ee ay ugu gudubtay finalka Champions League, waana kooxda xilli ciyaareedkan tartankan ka heshay lacagta ugu badan.

Kooxda reer London ee Blues ayaa guulihii iyo wareegyadii hore ee ay kasoo gudubtay waxay ku heshay €91.8 milyan oo Euro, waxaana ugu darsamaysa €15 milyan oo Euro oo kale.

Haddii ay koobka ku guuleysato, waxa kale oo ay Chelsea heli doontaa €4 milyan oo Euro oo kale oo dheeraad ah oo guusha koobka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More