Halkaan Ka Akhriso Liiska Dhameystiran Ee Xiddigaha Waa Weyn

Suuqa iibka ciyaartoyda Yurub ayaa soo xirmay iyadoo saxiixyo badan waa weyn la sameeyay maanta iyo caawa.

Kooxaha Premier League ayaa si weyn uga dhex muuqday suuqa kala iibsiga Yurub si la mid ah Bayern Munich oo seddex saxiix sameysay maanta. Waxaan halkaan hoose idiin kugu soo koobnay liiska dhameystiran ee xiddigihii maanta lala wareegay.

Heshiisyadii la dhamaystiray maanta uu xidhmay suuqa iibka ciyaartoyda:

Arsenal ayaa dhamesytirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo Thomas Partey ka dib markii ay bixiyeen 50ka milyan euro ee lagu burburinayay qandaraaskiisii kooxda Atletico Madrid.

Lucas Torriera ayaa ka tagay Arsenal isagoo ku biiray Atletico Madrid heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah.

Manchester United ayaa dhameystirtay saxiixa weeraryahanka waayo araga ah Edinson Cavani oo ay si bilaash ah kula wareegeen ka dib markii uu xagaagan ka tagay kooxda Paris Saint-Germain. Cavani ayaa saxiixay heshiis sannad ah oo uu sannad kale ku darsan karo.

Manchester United ayaa iibsatay xiddiga garabka midig ka ciyaara ee mustaqbalka leh Amad Diallo oo ay kala wareegeen kooxda Atalanta. Laakiin 18 jirkaan ayaan imaan doonin Old Trafford ilaa bisha Janaayo isagoo ku sii wareegay heshiis 40 milyan euro ah.

Manchester United ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca bidix Alex Telles oo ay kala soo wareegeen kooxda FC Porto

Jean Clair Todibo ayaa amaah labo sannadood ah uga tagay Barcelona isagoo ku biiray kooxda Benfica, heshiiska amaahda ah waxay Benfica bixineysaa 2 milyan euro halka ay si joogta ah kula wareegi karto xagaaga danbe haddii ay bxiiso 20 milyan euro.

Theo Walcott ayaa heshiis amaah ah uga tagay kooxda Everton isagoo dib ugu laabtay kooxdii uu waayihiisa ciyaareed ka bilaabay ee Southampton. Walcott ayaa qeyb ka noqon waayay qorshaha tababare Carlo Ancelotti oo dib u dhisanb Everton oo hogaamineyso horyaalka Premier League.

Daafaca Man United Chris Smalling ayaa heshiis joogta ah ugu wareegay kooxda AS Roma oo uu amaah ku joogay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Matteo Guendouzi ayaa ka tagay Arsenal isagoo heshiis amaah ah ugu wareegay kooxda Hertha Berlin ee horyaalka Jarmalka.

Xiddiga Chelsea Tiemoué Bakayoko ayaa heshiis amaah ah ugu wareegay kooxda Talyaaniga ee Napoli

Fiorentina ayaa xaqiijisay in xiddigeeda Federico Chiesea inuu heshiis amaah labo sannadood ah ugu wareegay kooxda Juventus kuwaasoo khiyaar u leh inay si joogta ah kula wareegaan.

Douglas Costa wuxuu amaah hal xilli ciyaareed uga tagay Juventus wuxuuna ku biiray Bayern Munich oo uu dib ugu laabtay.

Bayern Munich ayaa 10 milyan euro kula soo wareegtay xiddiga Bouna Sarr oo ay ka soo iibsadeen kooxda Faransiiska ee Marseille.

Ben Godfrey ayaa ka tagay Norwich City wuxuu 30 milyan ginni ugu wareegay Everton.

Ryan Sessegnon ayaa heshiis amaah ah uga tagay Torrenham wuxuuna u wareegay kooxda Jarmalka ee Hoffenheim.

Alex Cochrane wuxuu heshiis amaah ah uga tagay kooxda Brighton isagoo ku biiray kooxda Royale Union Saint-Gilloise.

Kalimuendo wuxuu amaah uga tagay PSG wuxuuna u wareegay kooxda Lens heshiis amaah ah.

Matteo Darmian ayaa heshiis amaah ah uga tagay kooxda Parma isagoo ku biiray Inter Milan.

Danilo Pereira wuxuu heshiis amaah ah uga tagay FC Porto wuxuu ku biiray Paris Saint-Germain.

Oussama Idrissi wuxuu ka tagay Selocidad wuxuu ku biiray Sevilla.

Eric Maxim Choupo-Moting wuxuu ka tagay PSG isagoo heshiis xor ah ugu biiray kooxda Bayern Munich.

Ajax Oo Heshiis 4 Sannadood Ah La Gashay Davy Klaassen iyagoo heshiis 4 milyan euro ugala soo wareegay kooxda Werder Bremen.

Xiddigii Atletico Madrid Nicola Kalinic ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Talyaaniga ee Hellas Verona

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More