GOLDEN BOOT: Tartanka Gool-Dhalinta Ee Euro, Xiddig Aan Cidi Filayn Oo

Goolkii uu xalay weeraryahanka xulka qaranka Czech ee Patrick Schick ka dhaliyay dhigiisa Denmark ayaa ka dhigan inuu haatan hoggaanka goolasha tartanka Euro 2020 la wadaagayo Cristiano Ronaldo oo markii hore kaligii safka hore fadhiyay.

Goolkaas uu Schick kasoo dhaliyay Denmark ayaan xulkiisa ugu filnaan inay wareega afar dhammaadka ee tartanka gaadhaan xilli xulkii ku guuleystay Euro 1992 uu sidaas ugu gudbay heerka xiga balse goolkaas ayaa ugu yaraan Schick ka caawiyay inuu soo qabto Ronaldo.

Ronaldo iyo Schick ayaa hadda min shan gool leh waxaana kaliya soo qaban kara xiddigaha xulalka koobka ku hadhay ee kala ah England, Italy, Denmark iyo Spain.

Laba kamid ah xiddigihii ugu cad cadaa kabta dahabka ah koobka kahor oo kala ah Romelu Lukaku iyo Karim Benzema ayaa min afar gool kaga hadhay koobka si lamid ah xiddigii Sweden ee Emil Forsberg.

Ronaldo iyo Schick ayaa sugi doona saddexda kulan ee hadhsan si ay u arkaan haddiiba rekoodhkooda la bar-bareeyo, saddexda xiddig ee kaliya ee min saddex gool leh walina baaqiga ku ah tartanka ayaa kala ah Raheem Sterling, Harry Kane iyo Dolberg.

Alvaro Morata, Pablo Sarabia, Ferran Torres, Joakim Maehle, Youssuf Poulsen, Ciro Immobile, Matteo Pessina iyo Lorenzo Insigne ayaa min laba gool ku gaadhay Semi Final-ka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More