Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Ay Tahay In Xulka England Kaga Hor

Halyeeyga xulka qaranka England ahna khabiirka kanaalka Sky Sports ee Gary Neville ayaa soo xushay shaxda ugu fiican ee ay tahay in xulka lagu naanayso saddexda libaax uu kala hortago dhigiisa Germany wareega 16-ka ee tartanka Euro 2020.

Kaddib markii xalay la ogaaday in xulka wareega 16-ka ay England la ciyaarayaan uu yahay Germany, hadal haynta ayaa deg-deg ugu wareegtay ciyaarta ka dhici doonta garoonka Wembley Stadium.

Gary Neville ayaa si lama filaan ah tababare Gareth Southgate ugu sheegay inuu ku laabto shaxda 5-2-3 isaga oo labada garab daafac ee weerar tagaya ka dhigtay Reece James iyo Luke Shaw.

Laakiin sidoo kale Neville ayaa iska diiday Jack Grealish oo ah xiddiga ay safka England hadda ugu jecel yihiin jamaahiirta dalkaasi si lamid ah Phil Foden isaga oo ka doortay 19 sano jirka Bukayo Saka oo wacdarro ku dhigay kulankii Czech Republic.

Neville ayaa doonaya inay saddexda daafac dhexe ka wada ciyaaraan Kyle Walker, John Stones iyo Harry Maguire halka uu labada khad dhexe u doortay Declan Rice iyo Kalvin Phillips.

Saddexleyda weerar ayuu ka dhigtay Raheem Sterling iyo Bukayo Saka oo labada garab ah iyo Harry Kane oo weeraryahanka dhexe ah.

Xulashada Neville ayaan ahayn mid qofkasta si wanaagsan uga daadagtay waxaana kamid ahaa xiddigii hore ee Arsenal ee Jack Wilshere oo faalo ahaan ugu sheegay inuu ku qaldan yahay inuusan Grealish iyo Foden ugu yaraan mid ahaan xulan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More