Dunida Kubada Cagta Oo U Baroordiiqeysa Halyeey Uu Aabihiis

Aabaha dhalay Francesco Totti oo lagu magacaabayay Ezno ayaa u geeriyooday cudurka Korona Fayras iyadoo ay da’diisa aheyd 76 sanno jir.

Halyeeyga Talyaaniga aabihiis ayaa ku dhintay cusbitaalka Lazzaro Spallanzani ee ku yaala caasimada maanta oo Isniin ah.

Enzo wuxuu dunida uga tahay xaaskiisa Fiorella iyo wiilashiisa Riccardo iyo Francesco Totti.

Kooxda Roma ayaa hormuud ka aheyd tacsidii ay dunida kubada cagta u dirtay qoyska Totti iyagoo bogooda Twitter ku soo qoray:

“Macsalaama Enzo. Waxaan xabad gelin u direyn Fiorella, Francesco, Riccardo iyo dhamaan qoyska.”

Enzo ayaa loo arkayay qof aad ugu nugul fayraska madaama uu wadno xanuun ku soo booday sannado yar ka hor.

Mudadii 25ka sanno aheyd ee uu wiilkiisa u ciyaarayay AS Roma, Enzo wuxuu u safri jiray kulan walba oo ay Roma marti tahay.

Wuxuu xitaa imaan jiray xarunta tababarka isagoo ciyaartoyda siin jiray Pizza iyo cunooyin kale sida ay sheegtay Corriere dello Sport.

Wararka Italy ka imaanaya ayaa sheegay in Enzo uu dhawaan noloshiisa u hibeeyay caruurta uu awoowaha u ahaa ee Cristian, Chanel iyo Isabel.

Kooxaha Talyaaniga ee ka ciyaara horyaalka Serie A ayaa iyagana tacsi u diray qoyska Totti si la mid ah kooxdii uu ugu dhawaa inuu ku biiro waayihiisa ciyaareed ee Real Madrid oo iyagana dhambaal tacsi ah ku soo qortay bogageeda bulshada.

Qaar ka mid ah xiddigihii la ciyaaray Totti iyo kuwii uu ka horyimid ayaa iyagana fariimo tacsi ah ugu qoray baraha bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More