DAAWO: Xiddigaha Lyon Iyo AS Monaco Ee Gacanta Iskula Tagay Feedhna

Kooxda Lyon ayaa dhigeeda Monaco 3-2 kaga adkaatay kulan adag oo xalay ka dhacay horyaalka Ligue 1, Lyon ayaa kulanka gashay iyada oo booska afraad ee kala sarreynta horyaalka ku jirta waxaana ay u baahnayd guul si ay ugu dhawaato tartanka horyaalka loogu jiro.

Sidoo kale Monaco ayaa ahayd kooxda booska saddexaad ee horyaalka joogta iyagoo doonayay guul ay ugu dhawaadaan kooxda hoggaanka haysa ee Lille.

Kooxda tababare Niko Kovac ee Monaco ayaa wakhtigii nasashada la hoyatay hoggaanka kaddib gool uu Kevin Volland u saxeexay daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta.

Lyon ayaa qaybtii dambe soo laabasho cajiib ah samaysay kaddib markii ay Memphis Depay iyo Marcelo shabaqa Monaco soo taabteen balse tobban xiddig lagu soo koobay kaddib markii Maxence Caqueret uu kaadhkiisii jaale ah ee labaad qaatay.

Wisam Ben Yedde ayaa goolka bar-bardhaca rigoore ugu keenay Monaco ciyaartana kusoo celiyay iyadoo kaliya afar daqiiqo ciyaarta ka hadheen balse Rayan Cherki ayaa markale Lyon hoggaanka usoo celiyay daqiiqadii 89-aad sidaasna dhibcaha ugu xaqiijiyay kooxdiisa.

Si kastaba ha ahaatee, kaddib markii ay ciyaartu dhammaatay ayuu dagaal ba’ani dhex maray qaar kamida xiddigaha labada kooxood , garsooraha oo afar kaadh oo casaan ah oo kale bixiyay ayaa Monaco ka diray Pietro Pellegri iyo Willem Geubbels halka Lyon casaanka ay ka qaateen Marcelo iyo Mattia De Sciglio.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

? Zirve yarışında Lyon’un son dakikalarda attığı golle Monaco karşısında 2-3 kazandığı maçın ardından saha karıştı. | #MONOL

İki takım futbolcuları arasında arbede yaşanıyor:

pic.twitter.com/zDIi18VkqC

— Gasteniz!? (@fransizgastesi) Could 2, 2021

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More