Chelsea Oo Iska Xaadirisay Finalka FA Cup, Man City Oo Loo Xoog

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa u gudubtay finalka FA Cup kaddib markii ay ciyaar adag oo Wembley ka dhacay ay 1-0 ku garaaceen Manchester City.

- Advertisement -

Chelsea ayaa ciyaar tayadeedu sarrayso qaybtii hore ku dawakhisay Man City, isla markaana si aan beryahan laga arag City hoos ugu dhigtay kubbad haynteeda, taas oo ay gaadhsiisay boqolkiiba 35.

Tababare Thomas Tuchel ayaa kooxdiisu ay bilowgii ciyaarta dhalisay gool uu u saxeexay Hakim Ziyech, laakiin waxa lagu qabtay OFFSIDE iyadoo uu falcelin degdeg ah sameeyey VAR, waxayse goolka madiga ah ee ciyaarta go’aamiyey qaybta labaad u dhaliyey Hakim Ziyech soo si aanu muran ku jirin goolka ugu hubsaday kubbad heersare ahayd  oo uu usoo dhiibay Timo Werner.

Manchester City ayaa qaybta dambe ahayd kooxda ku badan maamulka ciyaarta, laakiin dhaawac soo gaadhay Kevin de Bruyne ayaa wiiqay awooddoodii gool-dhalinta, halka Blues na ay difaac adag kala hor-tagtay.

Labada kooxoodba waxay heleen fursado ay goolal u beddeli karayeen qaybta dambe, balse waxa hal fursad ka faa’iidaysatay Chelsea oo gool labaad uu u dhaliyey Pulisic oo beddel kusoo galay, laakiin waxa goolkana meesha ka saaray calanwadaha oo ku qabtay offside.

Chelsea ayaa finalka FA Cup la ciyaari doonta Leicester City iyo Southampton midkooda soo gudba, halka Man City ay ka burburtay mid ka mid ah riyooyinkoodii xilli ciyaareedkan oo ahaa in ay ku wada guuleystaan dhamaan tartamada maxalliga ah.

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER CITY (4-2-3-1): Zack Steffen; Joao Cancelo, Aymeric Laporte, Ruben Dias, Benjamin Mendy; Rodrigo, Fernandinho; Raheem Sterling, Kevin De Bruyne, Ferran Torres; Gabriel Jesus.

Kaydka: Ederson, Riyad Mahrez, Nathan Ake, Phil Foden, Bernardo Silva, John Stones, Ilkay Gundogan, Kyle Walker, Oleksandr Zinchenko.

CHELSEA (3-4-2-1): Kepa Arrizabalaga; Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger, Thiago Silva; Ben Chilwell, N’Golo Kante, Jorginho, Reece James; Hakim Ziyech, Mason Mount; Timo Werner.

Kaydka: Christian Pulisic, Callum Hudson-Odoi, Kai Havertz, Kurt Zouma, Billy Gilmour, Willy Caballero, Marcos Alonso, Emerson, Olivier Giroud.

Tuchel wuxuu saddex isbeddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray FC Porto badhtamihii usbuucii hore, waxaanu keenay Kepa oo in muddo ah kaydka fadhiyey, halka Werner uu kasoo hormaray Pulisic. Sidoo kale Hakim ZIyech ayaa booska kala  baxay Kai Havertz.

Pep Guardiola ayaa isaguna siddeed beddel ku sameeyey safkii uu ku ciyaaray kulankii ugu dambeeyey, isagoo kaliya saddexda laacib ee Kevin de Bruyne, Rodri iyo Dias ka ciyaarsiiyey shaxdii uu ku garaacay Borussia Dortmund.

Chelsea ayaa daqiiqaddii 6aad waxay isku dhiibtay kubbad halis ahayd oo uu Ben Chilwell u tuuray Timo Werner oo isaguna usii dhiibay Hakim Ziyech oo shabaqa ku hubsaday, laakiin waxa markiiba uu calan-waduhu tilmaamay in uu OFFSIDE ku jiray, waxaana jawaab degdeg ah bixiyey VAR oo ku waafaqay.

Gabriel Jesus ayaa jawaab ka bixiyey, waxaana kubbad uu ka helay dhinaca bidix uu iska diiday in uu siiyo Torres oo bannaanka joogay, waxaanu go’aansaday inuu si toos ah u toogto goolka isagoo adeegsanaya lugta midig. Kepa ayaa la socday oo kubaddaasi u noqotay badbaadintii ugu horreysay ee uu sameeyo.

Chelsea ayaa si aad ah kubadda ugu gacan sarraysay qaybta hore, waxaase yaraa fursadaha caddaanka ah ee ay helayeen.

Qaybtii dambe ayaa Manchester City ugu bilaabatay beddel qasab ah oo uu Pep Guardiola sameeyey, waxaana dhaawac soo gaadhay laba daqiiqadood oo kaliya markii ay qaybta dambe socotay laacibka khadka dhexe ee Kevin de Bruyne.

GOOOOOALLLLL! 1-0 CHELSEA! Hakim Ziyech ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Chelsea kaddib kubbad uu Timo Werner goolka u hordhigay.

Laacibka reer Germany ee Werner ayaa ka daba baxay difaacyada Man City, isagoo si fiican u maamushay kubbada oo uu usoo raaciyey Mason Mount, waxaanu lugta bidix ugu dhiibay Ziyech oo taabasho kaliya goolka ugu leexiyey.

Ziyech ayaa helay fursad kale oo weyn, waxaana uu goolhayaha ula tegay kubbad aanu waqti badan u helin, taas oo uu Zack Steffen lugaha kaga soo celiyey.

Phil Foden, Gabriel Jesus iyo Raheem Sterling ayaa khasaariyey fursado qaali ku ahaa kooxdooda, iyadoo goolhaye Kepa uu la tacaalay kubbad hoose oo ku dhowaatay in ay birta qabsato.

Chelsea ayaa dhashatay gool labaad waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray, waxaana saxeexay Pulisic oo dersin ciyaartooyo difaaca ah xarakeeyey, ka hor intii aanu goolka ku hubsan, laakiin calanwadaha ayaa isagoo aan dabbaal-deggaba bilaabin taagay calanka, isla markaana u caddeeyey in uu offside ku jiray.

 

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More