Barcelona Oo Qarka U Saaran Saxeexa Xiddigii U Buuxin Lahaa

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qarka u saaran inay lasoo saxeexato xiddigii ay u doorteen inuu u buuxiyo booska uu banneeyey weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez oo dhamaadka toddobaadkii hore u wareegay Atletico Madrid.

Barcelona ayaa dhawr ciyaartoy diiraddeedu saarnayd, waxaana ugu weynaa weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martinez, hase yeeshee markii lacagtiisa ay Inter Milan cirka ku shareertay ayay uga leexdeen laacibka garabka weerarka uga ciyaara Lyon ee Memphis Depay oo tababare Ronald Koeman uu aqoon dheeraad ah u leeyahay maadaama uu kusoo layliyey xulka qaranka.

Kooxda reer France ee Lyon ayaa ogolaatay in xiddigeeda afka  hore ee Depay uu u wareego Barcelonta inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoyda oo toddobaad kali ah ka hadhsan yahay.

Lyon ayaa  qiimo dhimis weyn u samaysay Barcelona oo markii hore ay ku xidhay lacag dhan 25 milyan oo Euro, laakiin hadda ay hoos uga degayso, taas oo war wanaagsan iyo fursad qaali ah u Barca oo raadinaysa laacibkii u beddeli lahaa Luis Suarez oo Atletico Madrid tegay.

Sida uu qoray wargeyska caanka ah ee L’Equipe, Madaxweynaha Lyon ee Jean-Michel Aulas ayaa go’aamiyey inay kooxdu dhegaysato dalabyo ka hooseeya qiimaha sare ku xusan ee markii hore ay ku xidheen iibka laacibkan.

Suuqa iibka ciyaartoyda ayaa waddanka France ka xidhmi doona Jimcaha soo socda ee October 2, waxaana wixii ka dambeeya ay koox waliba ku dhegsanaan doontaa laacibiinteeda.

Kooxda reer Catalonia oo gaadhi kari weyday qiimaha 100 milyan oo Euro ka badan ee Inter Milan ay ku xidhay Lautaro Martinez ayaa waxay hadda u dhaqaaqaysaa sidii ay Depay gacanta ugu soo dhigi lahayd, waxaana laacibkan si weyn u doonaya tababare Ronald Koeman.

Tababaraha reer Netherlands ayaa Isniintii sheegay in kooxdiisu ay u baahan tahay weeraryahan cusub, waxaana haddii uu Depay yimaaddo la saadaalinayaa in safka Barcelona uu noqdo 4-2-3-1.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More