Barcelona Oo Heshiis Lasii Gaartey Xiddiga Ugu Horreeya Ee

Barcelona ayaa heshiis hordhac ah lasii gaadhay xiddiga ugu horreeya ee Camp Nou iman doona marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January, kaas oo noqon doona laacib ay hore ugu soo guul-darraysteen inay soo xero-galiyaan suuqii dhowaanta xidhmay.

Barcelona ayaa ku fashilantay inay lasoo saxeexato dhawr weeraryahan oo ay isku dayday oo ay ka mid ahaayeen Lautaro Martinez iyo Memphis Depay, kuwaas oo tababare Ronald Koeman uu u doonayay inuu ku beddelo booskii uu banneeyey Luis Suarez oo Atletico Madrid u wareegay markii ay kooxdu kansashay qandaraaskiisii sannadka kale uu kusii joogi lahaa Camp Nou.

Kooxda reer Spain ayuu suuqa iibka ciyaartoydu ka xidhmay iyadoo aan helin beddelka Suarez, sidoo kalena ay ka tageen Arturo Vidal iyo Ivan Rakitic oo ku biiray Inter Milan iyo Sevilla, halka Nelson Semedo uu ka degay Wolves.

Laakiin waxa kaliya oo ay lasoo saxeexatay Barcelona difaaca midig ee Marakaykanka u dhashay ee Sergi Dest, halka aanay helin difaac dhexe.

Barcelona ayaa hadda la ogaaday inay heshiis hordhac ah lasii gaadhay weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay oo u ciyaara Lyon oo ay saxeexiisa ku guul-darraysteen inay dhamaystiraan bishii September, waxaana xogta cusub ay tibaaxaysaa in marka la gaadho bisha January uu laacibkani ugu wareegi doono Camp Nou lacag dhan €30 milyan oo Gini.

Depay oo ay da’diisu tahay 26 jir ayaa xor u noqon doona inuu wada-xaajood la galo kooxaha aan Faransiiska ahayn marka la gaadho bisha January, sababtoo ah, waxa xilligaas qandaraaskiisa Lyon ka hadhsanaan doona lix bilood oo kaliya.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, laacibkan ayaa qirtay inuu xor u noqon doono inuu ku biiro kooxda uu doonayo, iyadoo ay soo baxayaan wararka sheegaya inuu heshiis hordhac ah lasii saxeexday.

“Waxa aan ahay 26 jir uu ka dhamaanayo qandaraaskiisu, waxaanan rajaynayaa inay ii iman doonaan kooxo i xiisaynaya.” Waxa sidaas yidhi Depay oo ka hadlayay waraysi uu siinayey BN Destem.

Warku wuxuu intaa ku daray in Lyon oo meel adag iska taagtay inay kasoo dabacdo €30 milyan oo Euro oo ay Barcelona ku xidhay, inay hadda aqbali doonto inay January iibiso si aanu heshiis xor ah ugaga tegin dhamaadka xili ciyaareedka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More