Barcelona Oo Ciqaab Weyn Lagu Soo Rogayo & Mustaqbalkii Messi Oo Halis
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa mashaqo madaxa la gelaysa, waxaanay halis ugu jirtaa in lagu soo rogo ciqaab adag oo la kowsanaysa bilowga xilli ciyaareedkan.
Barcelona ayaan wali u hoggaansamin oo aad uga sarraysa xuduudka iyo khadka loo xidhay kooxaha ee la xidhiidha lacagta ay mushaharka u bixin karayaan xilli ciyaareedkii, taas oo dhamaadka xilli ciyaareedkii hore uu soo saaray maamulka LaLiga.
Sannad kasta, LaLiga ayaa soo saara lacagta ay kooxuhu mushaharka u bixin karayaan iyadoo loo eegayo dhakhliga soo galay sannadkii hore, waxaanay taasi dhaawac weyn ku noqotay Barcelona.
Kaddib heshiisyadii Sergio Aguero, Eric Garcia, Emerson Royal iyo Memphis Depay, waxay Barcelona ka shaqaynaysaa sidii uu Lionel Messi qandaraas cusub u saxeexi lahaa iyadoo uu laacibkan heshiiskiisii hore ku egyahay Arbacada toddobaadkan.
Sida ay sheegtay warbaahinta RC1, Barcelona ayaa maraysa ciqaab adag haddii uu sii joogo Lionel Messi, waxaana laga doonayaa in mushaharka kooxda ee sannadkan laga dhimo 200 milyan oo Euro, taas oo aan ahayn wax suurtogal ah.
Madaxweyne Joan Laporta ayaa hore u sheegay in xaaladda dhaqaale ee Barcelona ay ka liidato sidii uu moodayay, isagoo daboolka ka qaaday in 100 milyan oo Euro oo kasta laga doonayo in 25% ay yareeyaan.
Lionel Messi oo ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxda oo sannadkii u xaadira lacag ku dhow 50 milyan oo Euro, ayaa sii murginaya xaaladda kooxda iyadoo wararkuna sheegayaan in uu laba sannadood oo qandaraas ah saxeexayo.
Ronald Koeman ayaa laga doonayaa inuu bixitaan u diyaariyo ciyaartoyda mushaharka badan, kharashka mushaharka ee sannadkanna laga dhimo 200 milyan oo Euro, taas oo ka dhigan in xiddog waaweyn ay tegi doonaan.
Ciqaabta ugu adag ee kooxdu ay marayso ayaa waxay tahay, in ay meesha ka saarto ciyaartooyo ay u baahan tahay oo ah kuwa mushaharka badan, haddii kalena horyaalka LaLiga ayaa kusoo rogi doono ganaax culus.