Aston Villa Oo TODOBA GOOL Ku Xasuuqday Liverpool, Reds Oo

Liverpool oo ah kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa waxaa soo gaartay ceebtii ugu weyneyd ka dib markii ay xasuuq 7-2 kala kulmeen kooxda Aston Villa oo marti loo ahaa islamarkaana xilli ciyaareedkii hore si naf la caari ah uga badbaaday inay u laabato heerka labaad.

Ciyaartoyda kooxda Liverpool ayaa caawa ilaaway gabi ahaanba sida kubad loo ciyaaro iyagoo u muuqday sida kooxda da’ yar ah oo la ciyaareyso koox heerka koowaad ah.

Aston Villa ayaan wax iska caabin ah kala kulmin daafacyada Liverpool iyagoo weerar walba oo ay qaadaan ay keeneysay inay shabaqa soo taabtaan xilli Reds ay tabtay goolhayaheeda Alisson oo dhaawac ku seegan kulankaan.

Laakiin daafacyada Liverpool ayaa noqday kuwii ugu xumaa maanta horyaalka Premier League iyagoo jagadaas kala wareegay daafacyada Man United oo 6 gool ay ka dhaliyeen Tottenham mar sii horeysay caawa.

Waa guuldaradii ugu horeysay ee soo gaarta Liverpool xilli ciyaareedkan laakiin waa mid ku ceeb ah oo aysan ilaawi doonin in muddo ah iyagoo haatan galaya fasaxa kulamada heerka caalami ka hor inta aysan la ciyaarin kooxda hogaamineysa horyaalka ee Everton.

Aston Villa ayaa gool kaga naxsatay Liverpool bilowgii ciyaarta markii goolhaye Adrian uu baas qalday taasoo keentay in Reds lagu ciqaabo isagoo Watkins uu shabaqa soo taabtay daqiiqadii 4aad. Xiddigaan ayaana goolka labaad dhaliyay daqiiqadii 23aad ka dib difaacasho xumo ay muujiyeen xiddigaha Liverpool isagoo gool qurux badan dhaliyay.

Daqiiqadii 33aad ayuu Mohamed Salah gool u soo celiyay Liverpool laakiin rajadii ay qabeen waxaa dilay John McGinn oo dhaliyay goolkii seddexaad ee Aston Villa labo daqiiqo ka dib goolkii Salah.

Ollie Watkins ayaana dhameystirtay seddexleydiisa daqiiqadii 39aad iyadoo daafaca Liverpool ay bataati ka jilcanaayeen halka khadka dhexe uu jahwareer heystay iyadoo weerarkooda uu weysnaa meel ay kubada geeyaan. Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay 4-1 oo ay Aston Villa hogaanka ku heysay.

Laakiin xasuuqii ku socday Liverpool halkaan kuma ekaan, waxaa ka sii xumedy qeybtii labaad ee ciyaarta. Ciyaartoyda Reds ayaa u muuqday kuwa ilaaway sida kubad loo ciyaaro, waxaana la moodayay inay joogaan garoon tababar oo aysan minco laheyn goolasha la iska dhaliyo.

Daqiiqadii 55aad waxaa Aston Villa goolka shanaad u saxiixay saxiixooda cusub ee ay amaahda kaga soo qateen Chelsea Ross Barkley kaasoo Liverpool caawa hawada ka qabsaday isaga iyo Jack Grealish.

Mohamed Salah ayaa Liverpool gool kale oo quusasho ah u saxiixay daqiiqadii 60aad isagoo ciyaarta ka dhigay 5-2, laakiin waxaa ku xigtay labo gool oo degdeg ah uu dhaliyay Jack Grealish oo ciyaarta ka dhigay 7-2.

Liverpool ayaa nasiib ku laheyd inaan laga dhalinin gool sideedaad ka dib markii ay Aston Villa birta u garaacday dhamaadkii ciyaarta.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 7-2 oo ay Aston Villa ku xasuuqday kooxda horyaalka difaacaneysa ee Liverpool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More