“Anigu Messi Lama Ciyaarin Ee….” – Samuel Eto’o Oo Ka Xanaaqay Hadal

Halyeeyga kooxda Barcelona ee Samuel Eto’o ayaa ka cadhooday hadal uu saxafi waraysi ka qaadayay ugu sheegay inuu isagu ahaa midka lasoo ciyaaray Lionel Messi oo ay sanado kusoo wada qaateen Barca.

Messi ayaa loosoo dalacsiiyay kooxda koowaad ee Barca sanadkii 2004 iyadoo kooxdu wakhtigaas haysatay ciyaartoy waaweyn oo laga xusi karo Ronaldinho, Eto’o iyo Deco.

Intii uu socday waraysi wax lagaga weydiinayay da’yarka haatan usoo kacay Barcelona ee Ansu Fati ayuu halyeeyga ree Cameroon ku sameeyay faalooyin xiiso leh oo Messi la xidhiidha.

Saxafiga ayaa Eto’o u sheegay in maadaama oo uu isagu Messi lasoo ciyaaray uu Fati oo haatan isaguna Messi la ciyaaraa wax uu ka baran karo kabtanka Argentina.

Eto’o ayaa u sheegay saxafiga inuu Messi isaga la ciyaaray balse uusan isagu la ciyaarin Messi labada hadalna ay yihiin kuwo macno ahaan kala duwan.

“Maya, isaga ayaa ila ciyaaray aniga, way ka duwantahay, Messi ayaa aniga ila ciyaaray, anigu Messi lama ciyaarin, wakhtigaygii Messi ayaa ila ciyaaray, gabi ahaanba waa mid ka duwan” ayuu yidhi Samuel Eto’o.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More