AKHRISO Oo Ha Yaabin! Ciyaartoy Aanad Rumaysan Karin Oo Sheegtay Inuu
Qiso cajiib ah waxa soo bandhigay tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho oo dib u xasuustay xilliyaddiisii Inter Milan ee sannadkii 2010 oo uu u qaaday Champions League iyo Serie A, markaas oo uu nasiib u yeeshay inuu hoggaamiyo xiddigo waaweyn oo qaarkood markii uu kooxdaas hoggaanka u qabtay ay ka tageen.
- Advertisement -
Ma rumaysan kartaa in uu Marko Arnautovic ka wanaagsan yahay Zlatan Ibrahimovic iyo xiddigii hore ee reer Brazil ee Adriano? Waa su’aal ka horreysa sharraxaad iyo qisada Jose Mourinho uu bannaanka keenay.
Sannadkii 2009 waxa Inter Milan yimid weeraryahanka reer Austria ee Arnautovic oo si amaah ah ugaga soo wareegay kooxda Twente ee horyaalka Netherlands.
Markii ay laacibkan raadintiisa bilaabeen, Jose Mourinho wuxuu haystay ciyaartoyda ay ka mid ahaayeen Zlatan Ibrahimovic, Adriano, Hernan Crepso iyo Julio Cruz oo dhamaantood ka ciyaarayay afka hore ee weerarka.
Xiddigan oo jooga Nerazzurri ayuu Arnautovic yimid, waxaana kulankii ugu horreeyey ee Jose Mourinho uu la yeeshay uu ka maqlay waxyaabo aanu meeshaba soo dhigan.
Garoonka tababarka Inter ayay Mourinho iyo Arnautovic ku kulmeen, waxaanu laacibka reer Austria oo ay da’diisu yarayd uu ku yidhi Mourinho: “Dhamaantood aniga ayaa ka wanaagsan [Zlatan Ibrahimovic, Adriano, Hernan Crepso iyo Julio Cruz].
Mourinho oo ka hadlayey warbaahinta talkSPORT, ayaa waxa uu yidhi: “Agaasimahaygii farsamada ee Inter, Marco Branca ayaa yimid, waxaanu doonayay inuu Holland ka keeno ciyaartoygaas. Wuxuu ahaa Arnautovic oo 18 jir ah.
“Markii uu Branca yimid isagoo uu la socdo (Arnautovic) waxa aanu samaynaynay tababarka. Waxay joogeen laynka garoonka tababarka xilli uu tababarku badhtamaha marayo, waxaanan go’aansaday in aan u tago oo aan salaamo iyaga.
“Waxay ahayd xilli-ciyaareedkaygii ugu horreeyey ee Inter, weeraryahannadaydu waxay ahaayeen Ibramovic, Adriano, Hernan Crespo iyo Julio Cruez.
“Waxa aan u tegay Branca iyo Arnautovic, waanu is-gacan qaadnay waxaananu wadaagnay ereyo kooban. Marko ayaa igu yidhi: ‘Mudane, aniga ayaa ka wanaagsan Ibrahimovic, Adriano, Hernan Crepso iyo Julio Cruz dhamaantood – Marko wuxuu ahaa 18 jir, waanu ka wanaagsanaa dhamaantood!”
Jose Mourinho wuxuu xaqiijiyey in kalsooni layaableh ku jirtay Arnautovic laakiin fikirka noocaas ahi uu dhibaato ku ahaa horumarkiisa ciyaareed.
Hadda, Arnautovic waa 32 jir waxaanu la kulmay dhibaatooyin badan oo garoomada dhexdooda ah, waxaana ugu dambaysay kulankii North Macedonia ee tartanka qaramada Yurub oo uu aflagaadooyin sameeyey kaddibna hal kulan la ganaaxay.