Xafiiska Ra’isalwasaaraha oo la wareegay Mashruuca NEOC ee Wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka?

Wasiir Xamza Siciid Xamz & RWKX: Mahdi M Guuleed, Sawirk wasaaradda gargaarka & Maareynka Musiibooyinka-5-July-2020

Sida ku cad Warqadda (ALL DONORS-NEOC LOGO LEH) tixraaceedu yahay OPM/0.357 soona baxday 19/09/2020 oo xafiiska Ra’isalwasaaruhu u diray dhammaan Waddamada deeq-bixiyeyaasha & Shaqa-wadaagga la ah dowladda federaalka Soomaaliya Xafiiska Ra’isalwasaaruhu  waxa uu si toos ah u maamulayaa una jiheynayaa howlaha Xarunta qaran ee gurmadka degdeg ah (National Emergency Oporation Centre-NEOC) oo katirsan Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka.

Sida ay Axadle ka ogaatay ilo kudhow Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka qof xil sare ka haya xafiiska Ra’isalwasaaraha ayaa ka dalbaday Wasiirka gargaarka & Maareynta Musiibooyinka xildhibaan Xamza Siciid Xamza in uu saxiixo Warqad sheegeysay in Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka ku wareejisay xafiiska Ra’isalwasaaraha maamulidda iyo jiheynta Xarunta qaran ee gurmadka degdeg!  xaashidaas waxa laga soo qoray Xafiiska Ra’isalwasaaraha!.

Wasiir Xamza Siciid Xamza

Wasiirka ayaa ka warwareegay in uu saxiixo Warqaddaas balse dhowr beri kaddib sii hayihii xilka Ra’salwasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa qoray Warqad lagu ogeysiinayo dhammaan Waddamada deeq-bixiyeyaasha & Shaqa-wadaagga la ah dowladda federaalka Soomaaliya in xarunta NEOC ay ku dhex shaqeyn doonta Xafiiska Ra’isalwasaaraha iyada oo xafiiskuna si dhow ula shaqeynayo.

Xarunta qaran ee gurmadka degdeg (National Emergency Oporation Centre-NEOC) waxa loogu yaboohay lacag dhan 6.5 Milyan (Lix milyan iyo Bar) oo ay wada bixinayaan Bangiga Adduunka & dowladda Sweden, Bangiga Adduunka ayaa bixinaya 4 Milyan, halka dowladda Sweden ay ku yaboohday 2.5 Milyan (laba Milyan & Bar)

Sep-7-2020 golaha Wasiirada oo yeeshay Shir aan caadi ahayn oo uu guddoominayey sii hayihii xilka Ra’isalwasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa laga soosaaray go’aano uu kamid ahaa go’aanka baabi’inta Barnaamijka Tubaha Qaranka.

Qodobka 3aad ee Go’aankaas ka soo baxay Shirka golaha Wasiirada ayaa dhigaya sidan:

“In Tubihii la bababi’iyey oo Wasaarad Walbaa ay hawsheeda toos u wadato oo aanay jiri doonin wax mashaariic iyo hawla ah oo XRW ka haysanayo Wasaaradaha. Waxa lagu shaqynayaa Qorshaha Horumarinta Qaranka, iyadoo Wasaarad walbana lagula xisaabtami doono waxqabadkeeda sidii caadiga ahayd iyada oo uu kormeer mar kasta jirayo”

Xasan Cali Kheyre Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa hindisay Barnaamijka tubaha Qaranka kaas oo inta badan Shaqada Wasaaradaha xukuumadda federaalka hoosgeeyey xafiiskiisa, isaga oo La taliyeyaal fadhiya xafiiskiisa ku maamulayey muddo ka badan  Saddex sano Shaqada Wasaaradaha.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More